Is diidsiiyey dhiilada warkiyo hadalka soo duulay
Duufaan xusuusuhu kacsheen daali madaxayga
Dubaaqayga Qiirada Damqaday Igu Dinnaahyeeye
Ilmo Dabarku Hayn Waayey Oo Dhaba U Dareeraysa
Hadba Duugay Waan Duugayaa Dooxse Lama Mooso
Damal Dhacay Docdiisii Banaan, Deyrka Naga Liicay
Xulad Dumay Haldoor Lagu Goblamay Deeqsi Naga Hoyday
Nimcay Dihatay Hooyaba Wed Baan Laga Dabbaalayne
Rabbi Baan Duruunsaday Baryanaa Waan u Dirayaaye
Inta Loo Daraadiyo Ilaah Kaama Dhigo Deyro
Duddo Nabada Iilkaagu Noqoy Daarad Naxariisa
Qabrigaagu Daartii Janada Daa’im
Arabsiyo Office









