Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay weerar ay maanta kooxo hubaysan ku qaadeen mid kamid ah xarumo dhawaan maamulka gobolka Mudug uu kala wereegay dad shacab ah oo ku taala xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Goobtan la weeraray ayaa horey u ahaan jirtay xaruntii howlaha guud iyo Gaadiidka ,taasi oo bilo ka hor lagu wareejiyay maamulka gobolka Mudug ee Puntland,waxaana iska caabin dhex- martay maleeshiyaadka iyo ciidamo ka tirsan Puntland ku dhaawacmay in ka badan 10 oo qof.
Taliyaha ciidanka birmadka Puntland ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Gibi-Gibi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan uu hogaaminayay nin sheeganayay in uu dhulka isaga leeyahay ,isla markaana ciidanka ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday.
“Hadda xerada waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda ,waxaana la qabtay qaar kamid ah raggii xerada soo weeraray “ ayuu yiri taliyaha oo sheegay in weerarkan uu socday muddo kooban ,isla markaana ciidan badan la keenay goobta.
“Cidii ka hor-imaaddda howlaha dowladda ay ka wado magaalada Gaalkacyo waa laga hortagi doonaa ,marka dadka shacabka ah waxaan leenahay gacan naga siiya arintaas “ ayuu mar kale yiri taliye Gibi-gibi.
Agaasimaha guud ee isbitaalka Gaalkacyo, Maxamuud Xuseen Aadan oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Isbitalka la keenay labo qof oo mayd ah iyo dhaawaca 11-ruux oo kale, kuwaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay is-rasaasayntii labada dhinac dhex martay.








