Xisbiga Wadani oo maagan Qorshayaal ay kusoo xeregaliyaan Isbaahaysiga Kulmiye iyo Mansabyo ugu horeeyo Musharax M/kuxigeen ee Xisbigaas

0

Hargeysa (AN) Xisbiga Mucaradka ah ee Waddani ayaa Gudahaha Magalada Hargeysa ka bilaabay inuu shir doceedyo hoose la yeesho Wasiiradii iska casilay xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo xubnihii musharaxiinta ahaa ee qaaday inay ka qayb galan shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Shirarkaan oo 48 saac ee u dambeeyaay ka soconaayay ayaa Xogaha ay Waaberinews.net helayasaa sheegayaan in masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo Xubnaha Wasiirada iyo musharaxiinta ay shirar hoose kulahaayn guriyo iyo hoteelada magalada hargeysa .
Xisbiga Waddani ayaa Waxa Shirarkaasi uga Qayb Galayaay Sida Xogaha aanu Helaynaa Sheegayaan Xooghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilahi Urcade ,Xildhibaan Rayte iyo Xamarji .
Halka Xubaha Isbhayasiga Kulmiyena u Matalayeen Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan , Wasiirkii Hore ee Maaliyada Cabdi casiis Samaale, Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis Iyo Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Faarax Geedoole iyo Xildhibaan Kijaandhe .
Labada dhinac ayaa Hada waxa ay yeesheen Wadahadalo hor dhac ah oo aan ilahada si rasmiya la iskugu afgaran waxana loo balan san yahay in shir intan ka balaadhan kaas oo  ay isku hor fadhisataan hoogaanka xisbiga waddani iyo xubnaha isbahaysiga kulmiye.

ila wareedyadan Xogogaalka ahi waxay qeexeen Ajandaha Xisbiga Wadani iyo C/raxmaan Ciro ku beerlaxowsan doonaan Xubnaha Isbaahaysiga iyagoo timaamay in qorshaha kowaad ee udiyaarsan Gudoomiye Ciro sidii ugu soo bandhigi lahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada Prof Faarax Cilmi Geedoole Musharax M/kuxigeen ee Xisbiga taas taas oo noqon karta mid rajo muuqata galisa Isbaahaysiga

Gudoomye Ciro unoqon karta isbaahaysi xoogle waxaana ilawareedyadu sheegen in Xidhiidhka Gudoomiye Ciro iyo kuxigeenkiisa oo sii xumaanaya in looga takhaluusi karo  ,

Waxana laga yaaba inay isku waafaqan in xubno ka mida isbahaysigu ku biiraaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani .

Qorshayaashan laba dhinac ayaa noqon kara qaar hirgala oo midkastaba dantiisa ka dhex arko kakale waxaanay saamayn taban sidoo kale ku yeelan kartaa mustaqbalka Xisbiga

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk