Hargaysa(AN)-wasiirka warfaafinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo si cad gacanta ugu taagay inaanu muuse Biixi noqon musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye, iyada oo ay hareeraha ka fadhiyaan madaxweynaha somaliland iyo gudoomiye Muuse Biixi.
Wasiir Cukuse ayaa ka dhabeeyey balan uu u qaaday wasiiradii is casilay iyo musharaxiintii qaadacay inay ka soo qayb galaan shirka kulmiye, taas oo uu u sheegay inaanu marna u codayn doonin garabka ka soo horjeeda ee uu hogaaminayey gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Ka dib markii wasiir Cukuse uu gacanta u taagay inuu diidan
yahay musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi ayaa la arkayey isaga oo dareenkiisa la qaybsanaya madaxweynaha somaliland oo qosol ku soo dhaweeyey.








