Berbera(AN)Maamulka Dekada Berbera iyo Masuuliyiinta dawlada Hoose e Berbera ayaaa Saaaka Isku Maandhaafay Barxada Xarunta Loo yaqaan Taardheer o Ku taala Laamiga wadada Bariga Berbera Uga baxda ,xaruntan o ah Goobta ay Ku nastaan baabuurta xamuulka u Qaada Ethiopia Xiliga ay ay wax Uga Soo Degaan Dekada Berbera, waxaana Maamulkeeda gacanta Ku haysay xaruntan masuuliyiinta Dekada Berbera
Wajahada Dhismahan ayaa habeenkii xalay ahaa Maamulka Dekada Berbera waxay Ku rogeen Tiro badan o Iskarogooyin dhagax ah, Waxaana dhacday In Maamulka dawlada Hoose e Berberina Maanta Barqadii Dhagaxii ay ka Qaaday o Koone Ku ururisay ,ilicda Magaalada
Sida Illo Xo,ogaal ahi Sheegayaana masuuliyiinta Dekadu waxay Doonayaan in ay dayr Kusoo Xidhaan barxada wayn e taardheer iyagoo Uga baqa qaba in La baloodhaysto Dadka Qaarkoodna Hunguri ka galo, Waxaanu masuu;l kamid ahi Dekadu hadhwanaagnews u xaqiijiyay in Xili Hore ay barxadan ka rareen Dad Deganaa o ay Lacag Siiyeen si wajahadani ugu Banaanaato xaruntan Taardheer,
Dhanka Kalena masuuliyiinta Dawlada Hoose ayaa Iytaguna ku Doodaya in Barxadani tahay Bilicda magaalada, Dabcana Sidoo waxay tahay Wadada Xooluhu u maraan Si nafis ah marka ay ku socdaan Dekada Berbera, e Laga Rararyo, waxaanay Intaa Ku dareen Qaar kamida Masuuliyiinta Dawlada Hoose In Masuuliyadi ay ka Saaran tahay Illaalinteeda Dhinacwalba Xaruntan,
Sikastaba ha Ahaatee waxaad Moodaa In Masuuliyiintani si wax Uwada Doonayaan Laakiin Is fahamku Ka Maqan yahay, Illaa Iminkana ma Jiraan wax Xal ah o ay Kawada Gaadheen
Arabsiyonews.com
Berbera Office








