FAAHFAAHIN:Qaraxii Hotel Saxafi iyo Ciidamada Amaanka Oo Soo Afjaray.

0

Muqdishu(AN)-Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa soo afjaray hawl galkii mudada saacadaha badan qaatay ee ka socday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kadib markii saaka waabarigii hore dabley ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u gashay.

Hotel Saxafi/Photo HOL

War goor dhawayd lagu soo qoray barta Twitter-ka ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada loo yaqaano Gaashaan ay si buuxa u soo afjareen hawl galka, isla markaana ka sifeeyay hotelka dableydii soo weerartay.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in dad fara badan la soo bad baadiyay, kuwaasoo aanay tiradooda sheegin, iyadoo u mahad celisay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in goor dhow ay soo bandhigi doonaan khasaaraha ka dhashay weerarka Hotelka Saxafi.

In ka badan 10-ruux ayaa ku dhintay weerarka, waxaa dadka ku dhintay ku jira Milkiilihii Hotelka oo Ganacsade caan ahaa C/rashiid Ilqeyte, Abaanduulihii hore ee Ciidamada xooga dalka Jen, C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo la sheegay inuu la dagaalamayay dableyda, Xildhibaan Abtidoon.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay weerarka Jen. Gacma-Duule oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milateriga iyo dad kale oo Hotelka degenaa.

Wariye u shaqeynayay Idaacada Shabelle, isla markaana Cameraman u ahaa Al-Jazeera  laguna magacaabo Mustafa Safaana ayaa ku dhintay, halka sawir qaade u shaqeynayay Wakaalada wararka ee Reuters oo la yidhaahdo Feysal uu ku dhaawacmay qaraxii labaad.

In ka badan labaatameeyo ruux ayaa la dhigay Isbitaalada Muqdisho, kuwaasoo dhaawacyadooda ay isugu jiraan kuwo culus iyo kuwa fudud.

Al-Shabaab ayaa goor sii horeysay  sheegatay mas’uuliyada weerarka, isla markaana dagaalyahanadeeda ay gudaha u galeen Hotelka.

Hotelka Saxafi oo ka mid ah hotelada caanka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa degenaa saraakiisha, xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda, waxaa uu ka mid noqonayaa hoteladii u dambeeyay ee Al-Shabaab weerarto sanadkan, iyadoo sanadkan gudihiis ilaa shan hotel ay weerartay