Hargeysa (AN) Musharax Xildhibaan Xasan Cawaale Cayanaan oo ka mida musahraxiinta Madaxweyne ee xisbiga talada haya ee kulmiye oo Waraysi Gaara Siiyaay Warbaahinta Waaberinews.net ayaa sheegay inuu wali u sharaxan yahay jagada musahraxnimada madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye waxaa uu sidoo kale shegay Xasan Cawaale in aanu madaxweyne siilanyo Cid Gaara Garbka Saarin si ay u noqoto musharaxa Madaxweyne
Waxa uu isagoo ka hadlay waxa isaga loo dareemi la yahay musharaxnimadiisa tilmaamy inu isagu la shiro golaha dhexe isbahaysina aanu cid la ahayn ” iyagu waay is bahaysteen aniguna waa kaligay oo waxa wadaa shiraar aan la yeelanayo golaha dhexe ee xisbiga sababtaas ayaa keentay inaan aniga la igu soo darin ” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale .
Mar Aanu Su’aal ka waydiinay inuu qabo fikirka ah inuu madaxweyne siilanyo cid taageeray ayaa waxa uu musharax Xasan Cawaale Ku awaabay ” Anuu ma qabo hebel baa dhabarka la taabtay golaha dhexe waa la iska sharixi karaa waa dimuqraadiyad waxanan qabaa ninkii dhabrka la tabto iyo ki kaleba waa sida ay dadka u kas badaadn “
Hadalkan ka soo yeedhay musharax Xasan Cawaale aya Dhabarka Ka Jabinaya Musahrixiinta Dibad wareega ah ee Ku doodaya Cidbaa dhabarka la tabtay
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








