Siyaasiga Aadan Maxamed Xaaji(Aadan Wali) Oo La Filayo Innuu Ka Mid Noqdo Siyaasiyiinta Buuxinaysa Jagooyinka Banaannaaday

0

Hargeysa (AN):–Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji oo Kamida Siyaasiyiinta Somaliland ayaa la filayaa innuu ka mid noqdo Siyaasiyiinta buuxin doonta jagooyinka ay beenneeyeen Xubnaha golaha Wasiirrada ee maanta ku dhawaaqay inay Xilalkii dawladda ay u hayeen iska casileen.

aadan

Inkastoo aanay jirin war rasmiya oo arrintaas si cad daboolka uga qaaddaaya, haddana waxa jira Warar tibaaxya oo Ay shabakadda wararka ee Arabsiyonews  heshay ilo wareedyo kala duwan, kuwaasoo sheegay in xarunta Madaxtooyadda Somaliland ee dalka laga maamulo ay ku mashquulsan tahay sidii ay u diyaarin lahayd buuxinta jagooyinka ay Wasiirradu iska casileen, waxaanna ay sheegeen in Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji(Aadan Wali) uu safka hore kaga jiro Xubnaha ilaa hadda ay Madaxtooyaddu qorshaynayso inay badallaan Boosaskii ay Wasiirradu banneeyeen.

Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji Waa siyaasi Aragti dheer isla markana inta badan u hadla dadka danyarta ah iyo Bulshadaba Taageero iyo Kalsooni badana ku leh Gobolka Gabiley inbadana ku Soo Jiray Saxada Siyasada Horena uga Mid Ahaan Jiray Hogaankii Xisbigii Udub Haatana Ah Siyaasi Madax Banaan waana nin dhalinyaro ah oo firfircoon, waa aqoon-yahan, waxaannay dad badan oo aannu la xidhiidhay oo siyaasadda Madaxtooyadda aad ugu dhuun daloolaa ay noo sheegeen in Siyaasi Aaadan Maxamed Xaaji (Aadan Wali)uu ka mid yahay liiska Xubnaha loo qorsheeyay inay jaggooyinkaas buuxin doonnaan.

 

Si kastaba ahaatee waxa durba bilaabmay loolalnka loogu jiro kuraasta golaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay maanta iska casileen dhawr iyo toban Xubnood oo iskugu jira Wasiiro, Wasiir ku-xigeenno iyo Agaasimeyaal guud, hase-yeeshee maalmaha soo socda ayaa la eeggi doonnaa cidda dhab ahaan boosaskaas buuxin doonnta.

Arabsiyonews.com Gabiley office