Deg-deg:Tageerayaasha Musharax Kijaandhe oo kulan Madax-weynaha ay La Lahaayeen Baajiyay kuna Eedeyay inuu Cid La Saftay

0

Hargaysa(AN)-Warar hada na soo gaadhaya ayaa sheegaya in beelaha Gobalka Hawd iyo Hargaysa ay ka Baxeen balanqaad ay la lahaayeen Madax-weyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyaga oo ku sababeeyay kadib markii uu isagu ka baxay Go’aankii uu hore ugu dhawaaqay ee ahaa inuu musharaxiinta kulmiye ka dhex tartamaysa dhex u noqdo.

Kulanka ay Madax-weynaha La Yeelanayeen oo ku saabsanaa sidii ay madax-weynaha ugula hadli lahaayeen inuu musharaxiinta dhex ka noqdo madama oo beel ahaan ay tageersanaayeen Musharaxa ka midka ah masuuliyiinta goobta ku tartami doona Xil Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) waxaana ay sheegen in ay arintaasi ka biyo diideen kadib markii ay arkeen madax-weynaha oo si cad u tageeraya guddomiyaha xisbiga kulmiye oo sida ay sheegen la rababay yidhaahdeen in uu xilka musharaxnimo qaato .

Xildh. Kijaandhe oo ah Musharaxa ay wataan oo aanu wax ka waydiinay baal kulankan ayaa cadeeyay in uu kulankaasi baaqday isla markaasina ay sugayaan inta ay wax kala cadaanayaan waa sida hadalka uu u dhigaye

Hirdanka Xisbiga kulmiye guddahiisa ayaa sii xoogaysanaya maalinba maalinta ka danbeysay iyada oo aan la gaadhin Shir-weynaha Xisbiga Oo loo balansanyahay 10 Bisha inagu soo Fooda leh ee November

Lamana Saadaalin karo cida ku guulaysan doonta musharaxnimada Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye