Xisbiga Ucid oo fariin laab qaboojin udiray Tageerayaashiisa kadib dagaalkii afka ahaa ee warbaahinta isku mariyeen labada masuul ee ugu saraysa Xisbiga

0

Hargeysa (AN)  Xisbiga UCID Oo Tageerayaashisa Ka Raligaliyaay Dagaal Afka ah Oo ay Isku Qaadeen Gudoomiyaha Iyo Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbigaas War Saxfadeed lagaga Hadlayo Arintaa Oo Nuqulk Ka Midii soogadhay Waaberinews,net ayaa Udhignaa Sidan :

Ujeedo: War-saxaafadeed

Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka UCID waxaa uu ka raali galinayaa guud ahaan Shacbiga JSL,gaar ahaana Taageerayaasha xisbiga UCID,Hadalo ay War-baahinta isu mariyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID,hadaladaas oo niyad jab ku keenay taageerayaasha xisbiga,Qaarka mid ah warbaahintuna ay Buun-buuniyeen,warbaahintaas oo u rogtey in khilaafkii ugu weynaa ka dhex-qarxay xisbiga UCID
Hadaba Xisbiga UCID waxaa uu bulsho-weynta JSL iyo Taageerayaasha Xisbigaba u Cadaynayaa in aan Wax khilaaf ahi habayaraatee oo ka dhex jira Xisbiga aanu jirin


Gudomiyaha Xisbiga iyo Musharaxa Xisbiguna wixii yaraa ee dhexdooda ahaa Way dhamaysteen, imikana Waa UL iyo Diirkeed


Xisbiga UCIDna waxaa kale oo uu si balaadhan u soo dhawaynayaa taageerayaasha iyo aqoon-yahanka ku soo biiraya xisbiga UCID
Xisbiga UCID waa xisbi Sal-balaadhan oo lawada leeyahay,khilaafkiisana wuu dhamaystaa iyada oo aan cidina dhex-galin, wakhti koobana wuu ku dhamaystaa .

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID
Md: Yusuf Kayse Cabdi-lahi