Maldives(AN)-Booliska Maldives, ayaa sheegay in ciidamo dheeri ah ay taxadar u dhigeen magaalada caasimadda Male, taa oo ka dambeysay xarrigga madaxweyne ku xigeenka, Axmed Adheeb oo la la xiriirinayo shirqool lagu dili rabay madaxweyne Cabdulla Yameen.
Dirqi ayuu dil kaga baxsaday bishii hore, markii doon uu ku safrayay uu bam ku qarxay.
Mas’uul, ayaa sheegay in Adheeb lagu soo oogay khiyaano qaran, laguna hayo xabsi ku yaala jasiiradda. Sanadihii dhawaa, ayey Maldives ruxeen dagaal dhexdooda oo siyaasadeed.
Adheeb, ayaa madaxweyne ku xigeen ahaa seddax bil oo kaliya, wuxuuna xafiiska yimid markii madaxweyne ku xigeenkii hore laga eryay shaqada, isagoo sidoo kale lagu eedeeyay qiyaano qaran.








