Ber-bera(AN)-Dadweynaha ku nool Magaala Xeebeeda Marsada ugu weyn Somaliland ee Berbera ayaa, labadii habeen ee u dambeeyay siweyn uhadalhayay Xiisada xaaladaha xiligan ka taagan Guud ahaanba Gobolka Saaxil iyo gaar ahaan dareenka Gudaha Magaalada Berbera iyadoo, ay fajaciso ku noqotey shacabka Reer Berbera qaar kamid ah Haamaha Keydka Shidaalka ee dhawaan sifaha sharci darada ah loogu wareejiyay qaar kamid ah Ganacsatada Shidaalka keena oo sii daayay shidaalkii islamarkaana, ka dalooshamay hoosta taas, oo mucjiso rabaani ah ku noqotey Xukuumada iyo Ganacsatada la wareegay Haamaha iyo waliba Maamulka cusub ee Haamaha.
Waxa kale oo dadweynaha Reer Berbera aad usoo jiitey dhacdo ka dhacdey habeen hore, Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer halkaas, oo baabuur nin rayid ah oo kasoo jeeda Gobolka
Saaxil ay ku afduubeen qaar kamid ah Beesha Madaxweynaha Somaliland ee Bariga Burco iyadoo, aan la garaneyn sababta ay Burco Kooxdani uga bilaabeen arin fowdo ah oo ku jiheysan bulshada dhexdeeda taas, oo ay Dadweynaha Reer Berbera u arkaan in aan Beesha Madaxweyne Siilaanyo wakhtigan aaney dul oolin habayraatee Duruuf ay dhinaca Bulshada iyo Shacabka dariska ugu ekeysiiyaan arimo nabedgalayada dhaawacaya, marka dhinacyo badan laga eego oo ay ugu horeyso Waxtar iyo faa,iido kasoo gaadha dhinaca Xukuumada mooyaane aaney jirin dhibaato iyo waxyeelo loo geysto sida ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo hadimooyinka faraha badan ugu bartilmaameedsatey Gobolka Saaxil iyo Bulshadiisa islamarkaana, xiligan la dul saarey cadaadis iyo ciidamo dheeraad ah.
Sikasta oo ay tahay marka gees kale laga eego Bulshada Gobolka Saaxil iyo dadweynaha Reer Berbera ayaa, waxa ay ku tilmaamayaan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo tii ugu madaxda xumeyd ee Soo marta Gobolka Saaxil marka hoos loogu daadago Masuulyiin shacbigu gacantooda kusoo doorteen oo lagu khasaarey Sida Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin oo si aad ah ay ugu badan tahay xubnaha farta lagu godayo, ee ku fashilmay hanaanka nidaamka Maamul haseyeeshee, inta badan Buunbuunin iyo mala waal xaqiiqda ka fog ka baahiya Warbaahinta, Waxaanay Shacbiga Reer Berbera hoosta ka xariiqeen in ay jiraan Duruufo culus oo caqabad ku ah wakhtigan Maamulka Golaha Deegaanka oo deyn badan lagu leeyahey, deyntaas oo hada gaadhey heer aan la furfuri karin oo ay inta ugu badan leeyihiin Kaalmaha Shidaalka Tukaanada Spare-partska iyo Ganacsatada Degmada Berbera sidaa daraadeedna hada gaadhey heer aan la maareyn karin in Maamulku mar kaliya iska nadiifiyo howlahaasi, waxaana laga dareemayaa dhaqdhadaqaaq xumo kajirta Suuqyada Magaalada Berbera oo awal hore howlaha Maamulka D/hoose qandaraasyada iyo shaqooyinkeedu saamayn adag ku lahaayeen Ganacsiga iyo suuqyada Berbera intaba.








