Hargaysa(AN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Ing Faysal Cali Waraabe ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safar todobaadkii udanbeeyey ugu maqnaa wadamada Ingiriiska iyo Ethopia
Faysal Cali Waraabe oo warfidiyeenada kulahadlay qolka nasashada ee madaarka Cigaal ee Magaalada Hargaysa ayaa kahadlay xaalada iyo dhaqdhaqaaqyada maalmihii udanbeeyey ka jiray Gobolka Saaxiil
“waxa dhacday intaan maqnaa wado la istaagay runtii arintaasi aad ayay ufool xuntahay ,tabasho way jirtaa laakiin oo dawlada laga tabanayaa laakiin ma haboona in Picture khaldan dadka tusno buuro lagalaa dawlada fool xumo kuma noqonayso ee dalkeena ayay ku noqonayasaa,arinta Haamaha dawlada dhawr jeer ayaanu kalahadalnay in la hakiyo maadama shacabku aad uga soo horjeedo”
Ing Faysal Cali warabee oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Haamaha,dekada iyo Macdanta in cid gaara ay sheegataa ay fool xumo
“Haamaha,dekada iyo Macdantu waa wax dan guuda maaha in cid gaara ay sheegato hadii la xumaynayo waa in ay dadkoo dhan ka hadlaan waanu kahadalnay ilaa Boorama ayaa laga hadalay oo wakhtigan aanay haboonayn in labadalo laakiin in dad gaara intay is urursadaan wadada jaraan jariimad wayn ayay tahay waana shaqooyinkii 1991 ee aan ka waynaanay waana fool xumo”
Arabsiyonews .com
Hargaysa Desk








