Barqabyada Kulmiye +Dabarkii Fur-furtay + Durduraadii Ka Danbaysya Dhinaca +Dhinaca kale Raga Damacu Hayo + Oo uu Samaale Daadihinayo Xaga Fadalo Cadaynta By Abdiraxmaan Jeesto
Ka Dib Markuu Maalin Dhaweyd Uu Ku Dhawaaqay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Xiliga Uu Qabsoomayo Shirweynihii Xisbigu Ayaa Waxay Ifafaalooyin Ka Soo Baxaay Xubno Ka Tirsan Xukuumada Iyo Xisbigeeda Oo U Hanqal Taagaya, Jagada Musharaxa Madaxweynenimo Iyo Waliba Buuxinta Xubinta Gudoomiynimo Waxaaana Ka Mid Ah Ragaa 1. Muj. Muuse Biixi Cabdi 2. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis 3. Wasiirkii hore Ee Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale 4. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan 5. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Qaar Kaloo Yagu Wali Hankooda La Baqanaya , Ayaa Waxaad Arkeysaa Mararka Qaarkood Xam-xam Yar Oo Hooseysa Iyo Is Xod-xodasho Siyaasadeed Taasi Oo Loo Kala Badinayo Shacabka Iyo Bulshada Inteeda Mudan Ee Lagu Daba Tukado Ama Hogaanka U Haysa Sida Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Malaaliinta, Iyo Dilaaliinta Yagu Dadkuun Kala Dabaala Ama Isu Dabaala .
Sidaa Awgeed Waxaa Muuqatey Is Casuumaada Faraha Badan Is Sharfida Hadey Qado Tahay Iyo Casho Tahayba Kuwaasoo Loo Cuskanayey Gudbinta Fariimaha Musharaxnimo Ee Shaqsiyaadka Iyo In Taageero Lala Garab Istaago Oo Xirfadaha Ama Nimaadyo Cusub Iyo Kala Horeyn Lagu Kala Badsadey Waxaana Soo If Baxeysa Halyeyda Cumaamaadan Oo Lagu Dhex Arkayo Rag Hanaan Socodkooda Laga Yaaban Yahay Oo Uu Ka Mid yahay Wasiir Samaale, Oo Isagu Shaqsi Ahaan La Yimidey Fagaaraha Dar-dar Cusub Oo Loo Shixnadeeyo Kadarta Tartanka Waxaanad Moodaysaa Inuu Baleysimo U Yahay Badheedhitaan Soo Bandhiga Hanka Oo Dhaayaha Shacabkoo Shan Ah Kuna Dhiiradey Inuu Sogordoho Hadalo Dibloomaasiyadeed Waxaa Hadaba Halkaa Laga Dhadhansadey In Mudane C/casiis Maxamed Samaale Ka Soo Dhex Boodey Ragan Gor-gortamaya Oo Uu Kaga Horu Marey Xaga Kasbashada Umada, Bahda Dhaqanka , Dhalinyarada , Culimada, Iyo Dhinac Walba Oo Bulshada Ah, Ka Ugu Badanee Libinta Uu Ku Mudanayaa Waa Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye.
Hadaynu Ka Istaagno Dhinaca Xidhiidhka Caalamiga Ah Iyo Iskaashiga Waxuu Kala Kulmey Waji Furnaaniyo Soo Dhaweyn Ay La Garab Galeen Beesha Caalamku Hadey Tahay Wadamada Muslimkaa Iyo Reer Galbeedkaba , Xaqiiqooyinka Dhalax Galka Ah Ee Samaale Siifiigiisa Hagaajiyey Waxaa Kamid Ah Kulankii Dibloomaasiyiinta Mareykanka Ah Ee Kula Kulmey Magaalo Madaxda Dalka Kiiniya Ee Nayroobi Oo Uu Ku Hantey Quluubtooda Isla Markaana Ay Ku Qanceen Kartidiisa Iyo Inuu Noqon Karo Hogaamiye Sax Ah Oo Abuuri Kara Xidhiidhiyo Waxa La Yidhaa [New Deal Diplomacy, Foriegn Polacy And International Relationship Between S/Land And America] Oo Uu Aad U Daneynayo Mareykanku Imaatinkeeda Xaga Kale Hadaan Jaleecno Xaga Carabta Iyo Wadamada Muslimkaa Oo Uu Mud. Samaale Ku Leeyahay Awood Baaxad Leh Ku Leeyahay Ayaa Yadna Waxay Noqonaysaa In Libin Ama Guuli Reer S/Land U Soo Hoyatey Lagana Filanayo Mustaqbalka Dhaw Maalgashiyo Kor U Kac Koboca Dhaqaale Ee Dalka Taasi Oo Uu Isagu Asaxaab Dhaw La Yahay Tujaarta Carbeed Ee Badhkood Dunida Ganacsiga Kala Xidhaan, Waxa Kale Oo Fudaanaya Arimaha Ictiraafka Ama Aqoonsiga Buuxa Ee Aynu Baadi Goobno Oo Isaga Run Ahaantii La Heli Karo Ciriq Lagu Raad Guro.
Dhinaca Shaqsiyadahooda Iyo Bulsho Weyntu Sidey U Aragto Oo Ah Rukni Xusid Mudan Isla Markaana Ah In La Qiimeeyo Hadaba Markeynu U Dhaba Galno Saddexdooduba Waa Siyaasiyiin Balse Wey Kala Ruug-cadaasan Yihiin Hadey Tahay Dhinaca Hogaanka, Aragtida, Aqoonta, Fahanka Bulshada, Iyo Waliba Dhinacyo Kale, Si Xaqiiqa Hadaan U Kala Qaad-qaadno 1. Mud Maxamed Biixi Yoonis Waa Aqoonyahan Dibloomaasiya Oo In Badan Unta Iyo Beesha Caalamka La Soo Shaqeeyey Haday Tahay [International Agency And Socail Functions] Dhamaan Xarumahaasi Oo Dhan Wax Ka Soo Qabtey Waa Nin Garanay Hab Maamuulka Oo Haysta Shahaado [Management Science And Leadership] Loogamana Baqayo Maamulis La,aan Ama Hogaan Daro Balse Waxa Uu Taytal Haysto Ama Uu Darajo Gaadhey Bulshda Reer S/land Ee Uu Ka soo Dhamshey Faa,iido Kuma Qabto Wax Tarna uma Laha, Ta Labaad Dadka Uu Ma Fahmayo Dhaqankooda, 2. Muj Muuse Biixi Cabdi Waa Halyey Hal-adeyg Leh Oo Ma Gabada Ah Macangaga, Aqoon Wuu Leeyhay Waase Culuunta La Yidhaahdo [Milatery Scienceka] Halkaana Waxaa Ka Muuqata Inuu Yahay Askari , Waqti Xaadirkana Waxay Dunidu Ka Kortey Iney Askarta Iyo Dad Noocaasi Ahi Ay Matalaan, Mana Aha Cod Kar Umadiisa Qancin Kara, Hadaad Wax weydiiso Digta-atooriyad buu Kugu Jawaabayaa Mana Aha Qowl Madaxeed Oo Lagu Dago, 3. Waa Wasiir C/casiis Maxamed Samaale Waa Sheekh Caamlama Waana Aqoonyahan Da,yar Oo Jecel Horumarka Iyo Hiigsiga Wacan Ee Bulshadu Tabeyso In La Gaadho Waxaana Marag Ka Ah Inta Meelood Oo Uu Ka Soo Shaqeeyey, Waa Balaaqi Aad U Aftahana Oo Bulshada Ka Dhaadhicinaya Yoolkiisa , Sheekhu Waa Nin Dadka Kala Yaqaan Oo U Babacdhigi Karaya Dhamaan Wixii Caqabada Ee La Soo Darsa Lana Gudhin Karaya, Intuu Xilalka Hayey Dadka Wuu Beertey Kalsoonina Wey Ku Qabaan Ilaa Hada In Uu Wax U Qaban Karo , Run Ahaantiiina Xaga Shareecada Iyo Dariiqa Saalix Ah.
Isku Soo Wada Xooriyoo Waxa Saaxada Iyo Saylada Is Iibinta Dhinac Walba Ku Dhibco Tirsadey Mud. Samaale Oo Galdaloolo Kasta Oo Layska Gumaado Iska Awdey Una Tafaxaytey Hogaaminta Dalka Iyo Hanashsda Kursiga Madaxtinimo Ee Jamhuuriyada S/land, Kadiiriinta Iyo Qamaamuurta Siyaasaduna Ay Aad Ula Socdaan, Isaguna Waa Haldoor Noloshiisa Halkuu Beegsado Aan Ka Seexan Ilaa Uu Gaadho Oo Dusheeda Ku Nagaado Mana Guul Dareysto Allana Wuu Kaashaadaa Kumana Calaf Yaraado Sideedaba Maantana Siduu U Muuqdo Ragii Isagoo La Tartamaya Ayuu Kala Qorsheeyey Waxiisana Meel Buu Saarey Maanta Ama Bari Midkey Noqoni, Dalka Iyo Dadkiisana Sawaxan La,aaniyo Sanqadh Yari Buu Kula Socdaa.
FAALO; W/Q A/raxmaan Sayid Faarax [Jeesto]
Gabiley S/land
Xigasho= Indian Ocean








