Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Hadliye oo xarigga laga jaray Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq +SAWIRO

0

 

-Arabsiyo News Network {ANN}===Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ciraaq ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray mudo 25-sano kadib safaaraddii Soomaaliya ay ku laheyd magaalada Baqdaad.

Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq, marwo Khadiija Al-Makhsuumi iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait  Maxamed Sheekh Amiin ayaa goobjoog ahaa xafladda furitaalka, waxaaka khubado kooban ay halkaasi ka jeediyeen tilmaameen in ay ku faraxsan yihiin in dib loo furo safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq 25-sano kadib.Sidoo kalewaxaa xafladda furitaanka safaaradda goob-joog ahaa guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Somalia, C/qaadir Cosoble Cali, wasiirka bartoolka, Maxamed Mukhtaar iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

By: Arabsiyo Office