Maxamed Bk, Sahra ilays Iyo Fanaaniin Kale oo Gaadhay London Iyo Soo Dhawayntoodii +Sawiro

0

Fanaaniinta Caanka ah ee Maxamed Bk, Daa’uud Cali Masxaf, Sahra Ilays iyo Dayr Waa ayaa soo gaadhay Dalka Ingiriiska, waxaana siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada London.

 Fanaaniintan oo ka qayb galaaya barnaamijka Todobaadka Soomaalida (Somali Week) oo sannad kasta lagu qabto Caasimada London, waxaa garoonka diyaaradaha kaga hortagay xubno kamid ah Tageerayasha bahda Sugaanta, waxaana laga dareemaayay xubnaha Jaaliyada soo dhaweysay xiisaha ay u qabaan xubnahan.

Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Cashuur oo ah labada xubnood ee suurto galiyay inay Fanaaniintani yimaadan dalka Uk, ayaa iyana kamid aha xubnihii soo dhaweeyay. Fanaaniintan oo isugu jira Heesa, hal-abuur iyo Muusiishan waxaa la filayaa inay barnaamijyo kala duwan la qaataan dadka ku hadla af-soomaaliga ee ku dhaqan Boqortooyada Ingiriiska.

 

 

imageimageimageimageimageimageimageimageimageimage

imageimageimageimageimageimage

Arabsiyo Office