Wasiirka Waxbarashada oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii waxbarashada Gobolka Gabiley magacaabayna Gudoomiye Cusub

0

Hargaysa(AN) Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL Prof Faarax Cilmi Geedoole  ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Gaabiley  Cali Bayle waxaanu Wasiir Geedoole xilkaas umagacaabay Gudoomiyaha cusub ee Waxbarashada Gobolka Gabiley C/samad Sh Cumar

Gudoomiyaha cusub ee Waxbarashada Gobolka Gabiley C/samad Sh Cumar Qaabil  ayaa kamid ahaa bahda waxbarashada 25 sano ee udanbeeyey  kana  soo bilaabay macalin dugsi isagoo mudadaas heerar kala duwan iyo kaalin muuqata ka soo qaatay taabagalka waxbarashada Gobolka Gabiley gaar ahaan Degmada Arabsiyo

aqoontiisa Waxbarasho Gudoomiyaha cusub ee Waxbarashada Gobolka Gabiley  C/samad Sh Cumar Qaabil ayaa kamid ahaa ardaydii wax ku soo baratay Dugsigii sare ee Camuud  isagoo heerka koowaad ee Jamacada ka qalin jabiyey Jamacadii Lafoole.

Gobolka Gabiley oo kamid ah gobolada  mudadii dib loogu soo laabtay dalka 1991  ka hanaqaaday waxbarashada Asaasiga ayaa waxa ka furan dugsiyo aad utiro badan taas oo ay ka hawl  galaan  dhawr Boqol macalin  ayaa mudooyinkii udanbeeyey la daala dhacayey maamul xumo ay marar kala duwan  qayla dhaantooda soo ifbaxday.

Gudoomiye C/samad Sh Cumar ayaa waxaa la ga filan karaa marka dib loo fiiriyo mudada dheer ee uu kamid ahaa bahada waxbarashada Gobolka Gabiley mid wax wayn katari doona cabashooyinka soo jiitamayey ee macalimiinta Gobolka Gabiley

Araabsiyonews.com

Hargaysa Office