Arabsiyo News Office {ANN} —Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shacbiga Somaliland ku hanbalyeeyay Curashada sannadka Cusub ee Islaamka, sidaana waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Warfaafinta Xisbigaas oo u dhignaasidan.
“Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,
Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahn Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlaya Magaciisa ka Shir- Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Ka Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI, wuxuu hambalyo Iyo Duco U Dirayaa Dhamaanba Shacabka weynaha reer Somaliland Meelkasto oo ay Joogaan iyo Guud ahaanba shucuubta islaamka,munaasaba sanadka cusub ee Hijriga Awgeed 1437, taas oo ku beegan arbacada Bari 14.10.2015
Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh sanadkan sanadkiisa nabad iyo caafimaad qab, cimri dherer & cibaado suuban, ha hanagu gaadhsiiyo
Aamiin Aamin Aamin
Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,
Xoghayaha War-faafinta Xisbiga WADDANI
Mujaahid Boobe Yusuf Ducaale
Arabsiyo Office









