“MADAXWAYNUHU WUXUU IGU YIDHI HADDII AAD DOONAYSID INAAD SIYAASI NOQOTO SACAD MUUSE WAXBA HA KA SHEEGIN…..CABDIRAXMAAN CABDIQAADIR

0

Hargaysa (AN)Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore uga tirsanaa Xisbiga KULMIYE, ayna saaxiib dhaw ahaayeen Madaxwayne Siilaanyo ayaa soo bandhigay talooyin uu Madaxwaynuhu siiyey wakhtigii ay mucaaridka ahaayeen, waxaana uu sheegay inay badankoodu run ahaayeen, uuna ku aflixi lahaa haddii uu qaato.

 

 

 

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlaya qodobadii uu Madaxwayne Siilaanyo talada uu siiyey qaar ka mid ah ayaa yidhi “horta wuxuu igu yidhi aadbaad u kulushahay Udubtan aad leedahay Salaami maayo iska daa waxa laga yaaba inaad maalin saaxiibtaane, waa runti oo nimankii Kulmiye sida ay ii galeen waad ogtihiin nimankii UDUB-na way i wanaajiyeen, wuxuu igu yidhi reerkiina haddii aanad wadanin siyaasadda ma gali kartid, waxa kale oo ii sheegay Abti haddii aad doonaysid inaad Somaliland ka noqotid siyaasi reerka Sacad Muuse la yidhaahdo iska ilaali erey xun waligaa ha ku odhanin, haddii aad erey xun ku tidhaahdi kabtaa ma heelana waligaana meel gaadhi maysid”

 

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday.