Hargeysa (AN) Magaalada Borama ee xarunta Awdal ayaa waxa habeen hore saqdhex ka dhacay weerar la doonayay in lagu khaarajiyo guddoomiyaha gobolka Awdal ,halkaasi oo lagu dilay laba ka mid ah ilaaladiisa,kadibna ay baxsadeen kooxdii falkaasi weerarka ah gaystay.
Warbaahinta Tooshnews.net oo heshay magacyada dadka fan gareeya kooxda dablayda weerarka gaysta ee uu hoggaamiyo Suldaan Wabar oo ku jira Buuraha Somaliland iyo Ethiopia u dhexeeya sida ay dad ku nool Magaalada Borama oo ka gaabsaday inaanu magacooda sheegno noo xaqiijiyeen.
Saddexdan Masuul oo si wayn looga yaqaano gobolka Awdal ayaa lagu tuhunsan yahay fududaynta weerarkaasi,iyagoo la sheegay in kooxda Suldaan Wabar u qaabilsanyihiin maaligalinta qarsoodiga ah ee uu ku dagaalamo.
Masuuliyiinta ayaa hore xilal uga soo qabtay gobolka iyadoo ay ku jiraan laba ganacsade oo midna u shaqeeyo shirkada Telesom ka kalen leeyahay safirleh wayn oo magaalada Borama laga yaqaano,halka masuulka saddexaadna yahay maayirkii hore ee magaalada Borama Saleebaan Xasan Xaddi oo dhawan ay golaha deegaanka Borama xilka ka tureen.Masuulka shirkada Telesom oo Lagu magacaabo Aw gaab isagoo u taagan musharaxa baarlamaanka Somaliland ee soo socda,iyadoo safarilaha wayna lagu magacaabo Idiris Sarifleh
Masuuliyiintan ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarkaasi la doonayay in lagu khaarajiyo guddoomiyaha gobolka Awdal Ramaax oo isagu ka bad baaday kadib markii ay ku dhinteen laba ilaaladiisa ka mid ah .
Masuulka shirkada Telesom iyo ganacsadahan ayaa la sheegayaa inay inta badan caawinayeen maleeshiyaadkaasi weerarka qaaday,iyadoo maayirkuna la sheegay inuu fududaynta lahaa.
Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxa ka socda is reebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland,iyadoo amaanka magaaladaasi yahay mid degan isla markaan bulshada ku dhaqan magaalada Borama falkaasi ku tilmaameen wax laga xumaado.
Warbaahinta Tooshenws.net,waxa ay idiin soo gudbin doontaa warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qorshaha kooxda Suldaan Wabar iyo Masuuliyiin kale oo taageersan ajandihiisa.
Info@Arabsiyonews.com
Xigasho Tooshnews.net








