Hargeysa (AN) Xoghayaha Warfaafinta ee Xisibiga Mucaaradka ah ee Waddani Boobe Yuusuf Ducaale iyo Gudoomiyha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilahi (Cirro ) ayaa la warinayaa inuu kala irdheeyaay khilaaf xogaan oo soo kala dhex galay kaasi oo Boobe ka dhigay mid uu fooda soo galin waayo Xaruunta Xisbiga Waddani
Khilaafkan Labada masuul ayaa ah mid mudooyinkii dambaba isasoo tarayaay waxanu salka ku hayaa Boobe yuusuf Ducaale oo ka biyo diiday Wargayski Xisbiga Waddani ayaa soo sari jiray taas oo sida ilo wareedyo sheegeen in Xisbiga Wadani dhaqaale u waayay inuu mardambe Soo boxo waxanay taasi ka cadhaysiisay Boobe yuusuf Ducaale .oo ah masuulka xisbiga Wadani uqaabilsan hawlaha ku taxaluqa Warfidinta
Mudooyinkii udanbeeyey ayaa Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale aan lagu arag fagaaraha warbaahinta isagoo ahaa markii hore masuulka kahadla dhamaan shirarka jaraaid ,warsaxafadeedada iyo xog kasta oo looga baahdo Xisbiga Wadani ee uu katirsan yahay
waxayna ilahani intaas ku dareen in Xafiiskii uu kulahaa Boobe xarunta dhexe ee Xisbiga Wadani aanu kasoo dhexmuuqan isagoo dudmo ku maqan
Iyadoo Boobe awoodisi Xogahayaha Warfaafinta nooqotay Mid Magac u yaala tasin Boobe Ka Biyo Diiday shaqadiina uu hada si qarsoon umaamulo ku xigeenkiisa C/rashiid jeeni waxaana lafilayaa intalaabo aan la saadalin karin kasoo baxdo Boobe Yuusuf Ducaale taas oo lafilan karo In Mustaqbalka Wasiirkii hore ee Warfaafinta S/land uu macasalaameeyo Xisbiga Wadani iyo inkale waxaase laga dhursagayaa soo laabashada Cabdiraxamaan Ciro
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








