Somaliland:-Xulalka Awdal Iyo Daadmadheedh Oo Guulo Ka Gaadhay Ciyaaraha Isreeb-reebka –

0

Hargaysa(AN):-Labada Xul ee Daadmadheedh iyo Awdal, ayaa guul ka gaadhay tartanka isreebreebka ciyaaraha

c89996030af42e5487eec565ff241c8c_L.jpg

Hargaysa(AN):-Labada Xul ee Daadmadheedh iyo Awdal, ayaa guul ka gaadhay tartanka isreebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobolada Awdal iyo Togdheer.
Xulka gobolka Awdal ayaa 1: 0 kaga adkaaday xulka gobolka Hawad, waxaanay ciyaartaasi labada kooxood soo bandhigeen ciyaar raaligelisay daawadayaashii ku sugnaa garoonka.

Xulka gobolka Daadmadheedh ayaa isaguna 1:0 kaga adkaaday xulka gobolka Togdheer oo martigeliyay tartanka isreebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland ee bariga.
Arabsiyonews.com Disk
Gabiley