Hargaysa(AN)Khilaaf ayaa ka dhex curtay isgaashaanbuuraysigii Wasiir Maxamed Biixi iyo C/casiis Samaale oo saaxiib dhaw oo dhanka Cambine ka ah maalmihii udanbeey ahaa iyagoo labadan Masuul ay ku heshiiyeen sidii loo wiiqi lahaa Musharaxnimada Muuse Biixi oo loolan adag ka dhex taagan yahay
Sida ila wareedyo uxaqiijiyeen Shabakada Arabsiyonews ayaa waxay sheegayaan in saaxibada dhaw ee ku heshiiyey Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye ee Maxamed Biixi iyo Samaale oo geed dheer iyo mid gaabanba ugu jira sidii ay halgan adag ula galilahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi in maalintii shalay sida ilo ka agdhawaa ay sheegeen Hotel Mansoor labada Masuul ee wasiir Biix iyo C/casiis Samaale isku gacan saari gaadheen Hotel Gudihiisa dhacdadaas oo ilahani xaqiijiyeen in Wasiir Maxamed Biixi uu hadal uu aad uga xajiimooday saaxiibkii Samaale ka dhex sheegay Madasha
Wasiir Biix ayaa sheegay In “C/casiis Samaale waa gudoomiyaha Canbineka ee gobolada galbeedka iijooga”
Samaale ayaa markaliya dhacdadaas ka soo baxday Maxamed Biixi ku gacan saydhay waxaanu ujirsaday in khilaaf gacan kahadal ahi halkaas ka dhaco waxaana goobtii soo kala dhex galay intii ka agdhawayd ayay xogahani ku dareen waxaanay labada masuul ku kala dhaqaaqeen goobtii markii hore umuuqatay isxulafaysiga dhanka ka raran ayaa lagu kala dhaqaaqay iyadoo ilaahadana aan labada masuul midna aanu kahadal dhacdadaas
Sikastaba ha ahaatee khilaafkan ayaa haduu sii xoogaysto waxa gabi ahaanba meesha ka bixi doona isgaashanbuuraysigii Maxamed Biixi iyo Samaale waxaanay wajigabax ku noqon doontaa loolanka ay ugu jiraan hanka musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye waxaanay tani wadada uxaadhaysaa musharaxnimada Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








