Hargaysa(AN) Wasiirkii hore ee Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo uweheliyo Wasiirkii hore ee Warshadaha Abiib Timacad iyoXildhibaan C/laahi Black oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada ee xisbiga Kulmiye kana soo jeeda Gobolka Gabiley ayaa habeenadii udanbeeyey shirara googoos ah ku lahaa Hotel Ramad ee uu mulkiyadiisu leeyahay Xil Black kulanadaas oo ilo goob joog ahi uxaqiijiyeen shabakada Arabsiyonews in masuuliyiintani uga golahaayeen qaab cod ayay kaga raadinayaan golaha dhexe ee xisbiga kulmiye gaar ahaan kuwa ay isku araaadaga dhow yihiin iyo sidii cambine adag loogu gali lahaa Musharaxnimada Madaxwayne ee Xisbiga dhexdiisa Mudane Saamle,waxaa kale oo ilahani intaa ku dareen in maalmihii udanbeyey magaalooyinka Hargaysa iyo Gabiley ayka jireen shirar noocan oo kale kaas oo lagaga arin sanayey sidii loo wiiqi lahaa awooda musharaxnimada Gudoomiyaha Xisbiaga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo qaabkii isgaashaan buuraysi loogu samayn lahaa Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis
waxaanay ilahani intaa ku dareen in Musharaxnimada Samaale iyo Maxamed Biixi ay tahay mid labadan masuul uga gol leeyihiin qaab ay ku kasbadaan aqlabiyada golaha dhexe iyo sidii midba ka kale uga tanaasuli lahaa hankiisa Musharaxnimo oo sida wararka xogogaalka ahi sheegayaan ay umuuqato in wakhti xaadirkan Wasiir Maxamed Biixi guclo orad ugu jiro sidii markale saaxada uga dhex muuqan lahaa Wasiirkii hore ee Maaliyada Samaale loongana takhaluusi lahaa Gudoomiye Muuse
Wasiirkii hore ee Maaliyada iyo xulafadiisa ayaa lafilayaa in bishan dhexdeeda ay shir baaadhan ku qaban doonaan Magaalada Gabiley beesha sacad muuse dhamaan taas oo ay kaga doonayaan cod aqlabiyad ah iyo xod xodasho inta ka agdhow
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk









