Jewigii Shirka+Badheedhihii Odayaasha+Barraxaadii Madaxweynahe Siilaanyo ee tanasulka musharaxnimo

0

Hargeysa (AN) – Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay in xalay uu qasriga madaxtooyadda ku qaabilay qaar ka mid ah Odayaasha beesha Sacad Muuse,

kuwaas oo kasoo hor jeedda siyaasadda guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan muddeeyey xilliga uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Odayaashan ayaa kulanka ay madaxweynaha layeesheen oo dhawr jeer dib u dhacay waxa ay wararku tibaaxeen inay madaxweynaha u gudbiyeen mawqifkooda ku wajahan shirka golaha dhexe iyaga oo cabasho ka muujiyey kalsoonida ay ku qabaan in shirkaasi maadaama oo ay yihiin garabka aan taabacsanayn siyaasadda guddoomiyaha Xisbiga. Warku waxa uu intaa kudarayaa in Madaxweyne Siilaanyo u ballanqaaday odayaashan in shirka golaha dhexe uu si caddaaladda ku dhisan u dhicin doono, isaga oo u soo jeediyey in ay kalsoonida ku ilaaliyaan ergooyinka shirka iyo ajandaha u qoondaysan muddada uu socdo iyo natiijada kasoo bixi doonta. Illaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay kulankii xalay cawayskii ka dhacay halkaasi, Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Odayaasha la kulmayna mid na kama uu hadal go’aanka ay isla qaateen, hase yeeshee kulanka oo dhawr jeer dib u dhacay ayaa sababtay in uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo qaabilo odayaashan.siilaanyo

Mareegaha wararka Somaliland ayaa 24-kii saacadood ee u dembeeyey daabacayay warar is khilaafsan oo ku suntan shirkan xalay iyo nuxurkiisa, kuwaas oo qaarkood ay tilmaameen in kulanka madaxtooyada ay odayaashani ku kala jabeen mawqifka ay madaxweynaha la hor fadhiisanayaan iyagoo ka hor uu abaabulka shirkanina sababay gacan ka hadal dhex maray laba garab oo kala taabacasan guddoomiyaha KULMIYE iyo qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda ee hore u shaaciyey hankooda hoggaaminta dalka.

Shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa dhawaan loo qoondeeyay inuu qabsoomo dhammaadka sanadkan, waxaana la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo taageeray Muuse Biixi oo qorshahaasi watay, halka garab kale oo doonayay in shirka la qabto sanadka 2016-ka ku diiday soo jeedintooda.

Xisbiga Kulmiye dhexdiisa iyo beelaha musharaxiintu ka soo jeedo dhexdooda ayaa laga filayaa inuu ka dhaco loolan loogu hirdamayo jagooyin sarsare ee hoggaanka Xisbiga, waxaana la filayaa in madaxweyne Siilaanyo dhawaan shaaciyo inuu ka tanaasulay teeramkiisa labaad ee musharaxnimada madaxweynenimo

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office