Hargeysa (AN) Gudoomiyihii Olympic Somaliland ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukumada Madaxweyne siilanyo waxa uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyaahay face book
“Anigoo Ah Haldoor Hassan Waraabacadde Waxaan si buuxda iskaga casilay Gudoomiyanimada Olymbiga shalay oo taariikhdu ahaayd 22.9.2015.
Waxaan cadeeynayaa in aan dhalinyaradda sidaaydii hore ee aan ugu adeegi jiray si mutadawacnimo ah aan ugu adeego wax kastana aan la qabto kamana caajisaayo maadaama aan u soo adeegay 21 sanadood.
Waxaan u rajeeynayaa in qarankeenu uu maalin maalmaha ka mida ahmiyadda koobaad siin doono dhalinyaradda iyo cayaaraha.
Allaa had mahad leh
Haldoor Hassan Waraabacadde








