Madaxwaynaha Somaliya oo si indhala’aan ah usheegay in S/land qayb ka tahay qorshaha wadashiiga hiigsiga cusub

0

Muqdisho(AN)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland ay ka mid tahay qorshaha wada tashiyada socda oo Soomaali oo dhan ay qayb ka yihiin, isagoo xusay in meel fiican ay marayaan wada hadaladii hore ugu socday dawlada Somaliland.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mabda’a ahaan Somaliland ay qayb ka tahay hawshan bilaabatay, waxa aanu tilmaamay in sida duruufuhau ugu ogolaadaan ay uga mid noqon doonaan.

“Hawshan aan bilawnay, waxaan dhahnay waa wax ay Soomaali oo dhan ay ku jirto, dabcan Somaliland walaalaheena mabda’a ahaan hawshan waa ka mid, hadba wixii aanu  fursad u helno ayay uga mid noqonayaan iyo sidii ay duruufuhu noogo ogolaadaan, waa ka wada shaqeyn doonaan”ayuu yidhi Madaxweynaha.

 

Mar uu soo hadal qaaday wada halkii u dhaxeeyey Somaliland iyo dawladda Federaalka ayuu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso, isla markaana hadda loo gudbayo waji cusub sida uu yidhi,Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud(Warbaahinta Tooshnews.net.

“Arrinta wada hadalka ee hore u socotay meel fiican ayay mareysaa hada ayay waji cusub u soo gudbeysaa rajadeedu aad iyo aad ayay u fiican tahay, middan hadda socota mar walba wixii soomaaliya iyo soomaalida u daneyno waa ka wada shaqeyn doonaa” ayuu yidhi Xassan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Somaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlayay mad madowga hada ka dhex jira dawladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada Muqdisho hoos yimaada, waxa uu tilmaamay in waxyaabaha qaar ee la isla fahmi waayo ay dib u dhiganayaan, ayna ka wada hadlayaan waqti kale oo ku haboon.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka wada tashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho uu qof kasta oo Soomaali looga baahan yahay fikirkiisa iyo taladiisa, sidda ay la talay, hadii mid wanaagsan ay noqotana ay la qaadanayaan.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa isaga baxay shirka, kadib markii ay tabasho ka keeneen qaabka dawladda Federaalka wax u wado iyo arrinta Galmudug, waxaana dib u dhac ku yimid war murtiyeedkii la filayay in shalay oo Axad aheyd laga soo saaro shirka, lana soo gaba gabeeyo.

 

Xukuumadda Somaliland ayaan wali ka hadal dhawaaqa ka soo yeedhay Madaxwaynaha Dawlada Somaliya ee ku aadan inay Somaliland qayb ka tahay shirka wada tashiga Maamulada loogu qabanayo magaalada Muqdisho ee Xarunta Somaliya