Ma Dhabbaa In Xukuumaddu Wareejinta Buurta Gacan Libaax Ku Soo Qaadatay 30 Milyan Oo Dollar

0

Hargeysa,(AN)-Warar xog ogaal ah oo ay heshay isla mar ahaantaana ay muddooyinkii dambe baadhitaan iyo dabo-galba ku haysay mareegta wararka ee Somalilandlive, ayaa sheegaya in xukuumadda Siilaanyo ay qaab dadban hore ugu iibisay buurta Gacanlibaax. iyada oo lacag qadarkeeda lagu sheegay 30 Milyan oo dollar ay sannad ka hor kaga qaadatay wasiirka madaxtooyada dalka Imaaraadka carabta, iyada oo lacagta bedelkeeda uu ka codsaday in ay ku wareejiso buurta Gacanlibaax.

Xukuumadda Siilaanyo oo muddooyinkii dambe waday fulinta qorshahii ay ku dhaxal-wareejin lahayd buurta Gacan-libaax, ayaa u wakiilatay siddii ay arrintaas fulinteeda si weyn uga qeyb qaadan lahaayeen wasiirka deegaanka Marwo.Shukri X.Ismaaciil Baandare, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Md.Axmed Kayse oo magacaabistiisii loo sibir saarayo siddii uu uga shaqeyn lahaa dhaxal wareejinta buurta Gacan-libaax iyo sida oo kale odey dhaqameedyo kale oo ka soo jeeda deegaanka Koonfurta gobalka Saaxil. Wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in xukuumadda iyo ninka Carabka ah ay ka wada hadleen siddii odey dhaqameedyada ka soo jeeda deegaankaas ee xukuumadda kala shaq

Xigasho Wargayska Ogaal

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk