Nadaafad Xumo Soo Wajahday Ka Waanka Xoolaha Wajaale iyo Dirxi Duulaya oo Aan Hore Loo Arag oo Ka Dhashay Goobtaasi.

0

Gabiley(AN) Waxa Malinba Malinta Ka Danbaysa Isa Soo Taraaya Cabashada Dadwaynaha Ree Wajaale  oo Cabasho Balaadhan Ka Muujinaya  Nadafad Xumo Soo Wajahday Ka Waanka Xoolaha Lagu Qalo Ee Dagmada Tog-Wajaale.

 

Cuqaal , Culumowdiin, Iyo Odayaasha Dagmada Togwajaale Ayaa Si Adag Uga Hadlay Islamrkana Sheegay In Wax Yeelo Wayn Ku Hayo Kawaanka Xoolaha Lagu Qalo Wajaale oo Nadafad Xumo Aw Geed Ur Iyo Qadhmuun Looga Baxay Xafadaha La Jaara Kawaanka Xoolaha Waxanay Xuseen in Bakhaarada Gancsiga Iyo Masaajidadii Lagu Tukanayaba aan La Gali Karayn oo Ay Urtaasi iyo Qadhmuunkaasi Kawanka Ka Soo Baxayaa Ay Samaysay oo Karaahi ow Geed Aan Baytkii illhay Lagu Tukan Karayn .

wajaale 6wajaale 1 wajaale 2 wajaale 3 wajaale 4 wajaale 5

 

oday Xuseen Maxamud Xasan oo ka mida Odayaasha Dagmada Tog-Wajaale oo u,Waramaya Shabakada Arabsiyonews Ayaa  Ku Bilaabay Hadalkiisa Sidan.

 

 

Waxa Weeyi Waxay Dhibaato Naga Haysataa Kawankani Xoolaha lagu Qalo Ee Wajaale oo aan Guryihii ,Maheradihii, Iyo Waliba Masaajidadii, aan  Ur Iyo Qadhmuun Looga Baxaayo Marka Dabayshu Soo Qaado urtaasi Taasina Ay Noo Sii Dheertahay  Dirxi Anaan Horeba Loo Aarag oo Duulaya sidii Duqsiga oo ka dhashay Qudhunkaasi Mana jiro Maamulka Wajaale oo Wali Ka Hadlay Maxabu Ka Hadli Maba Joogaan Kii Hore ayaa Isagu Wax Soo Kor Meeri Jiray Laakin Kuwan Hada Magalada Maamulkeedii Loo Dhiibay Maalin Kaliya Qudhunkan Sideed Wax U Qabataan may Odhan, Markaa  Waxan Dawlada Dhaxe Ugu Baaqaynaa iyo Madxwaynhayaga Sharaftale ee Axmed Siiraanyo Inay  Naga Soo Gaadhaan Nadafad Xumadani  Hadii kale oo Aan Wax Laga Qabanina Dirxigaa Duulaya Iska Daayee Waxa Ka Dhalan Doona Wax Yaabo Kale Oo Aan Hore Loo Arag.

wajaale 6 wajaale 7 wajaale 8 wajaale 9 wajaale 10 wajaale 11 dirxi 1

 

 

Sh Ibraahim oo Ka Mida Culimada Togwaale Ayaa Isaguna Sheegay In Ay Tahay Dirxigani Duulayaa Wax Aan Hore Loo Arag  Tana ay Tahay Mid Ay Sobob U Tahay Maamul Xumada Ka Jirta Wajaale Waayo Awalba Maamulkii Hore Waxa Uu Ka Shaqayn Jiray Nadafada Kawanka Xoolaha Lagu Qalo iyo Nadafada Magaladaba Hadaba Su,Aasha iswaydiintali Waxa Weeyi Maxa Keenay In Ur Iyo Qadhmuun Looga Baxo Magalada.

wajaale 11 dirxi 2 wajaale 11 dirxi wajaaleurtii

 

Si kastaba ha ahaatee Waa Markii Ugu Horaysay ee Dirxi Duulaya  Ka Dhasho Nadafad Xumada Kawanka Xolaha Lagu Qalo ee Magalada Tog- Wajaale sobobta Keentay Nadafad Xumadan ee  Loo Aanaynayaana Ay Tahay  Mamul Xumada  Soo Wajahday Dagmada Tog-Wajaale.

 

Arabsiyonews.com Office Gabiley