Gudoomiye Baashe oo khilaafkii iyo gacankahadalkii dhexmaray Ciro sabab uga dhigay xeer hoosaadka Golaha

0

Hargeysa (AN)- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in khilaafka iyo gacan ka hadalka ay ka dhex dhacay Guddoomiye Cirro uu sabab u ahaa xeer hoosaadka golaha.

 

Md. Baashe oo qaar ka mid ah warbaahinta ugu warramay magaalada Hargeysa shalay waxa uu sheegay in xeer hoosaadka Golaha Wakiillada oo la beddelaayo, doodiisuna golaha ku jirto uu sabab u ahaa khilaaf

 

“Anigu guddoomiyenimada Cirro kuma haysto, waa guddoomiyihii golaha, laakiin waxa aannu isku haysanay nidaamka sharciga ha la mariyo, wax kale iyo nin guddoomiye u buko ma ahi. Waxa aannu nahay shirguddoon nidaamka ha la mariyo ayey ahayde, nin guddoomiyaha ku qabsanaya, isaga guddoomiye golaha u ah, anaguna waxa aannu nahay shirguddoon, wax kale oo jirayna ma jiraan.

 

Waxa weeyaan in aanu wadatashanno oo uu noo sheego oo uu yidhaahdo waxaas maxaynu ka yeelna, waanad aragtay oo waannu is dhinac fadhinaa, maxaannu isu dhinac fadhinaa haddii anaannu wadatashanayn, shirguddoon baannu nahay,” ayuu yidhi Md. Baashe.

 

Guddoomiye Baashe waxa uu sheegay in aanay wali u imaan ergo ka socotay Guurtida oo dhexdhexaadin ka dhex wada isaga iyo Guddoomiye Cirro, waxaannu yidhi; “Xeer-hoosaad hadda laga wadahadalaya ma jiro oo beddel buu ku jira oo dood baa ka socoa, marka xeer hoosaadka cusub baannu sugayna marka uu soo baxo. Waa in xeer hoosaad cusub la sameeyo oo doodiisa hadda socota, khilaafkii horena waxa uu ka dhashay xeer hoosaadka iminka, markaa marka uu dhammaado xeer hoosaadkan ayaannu ka wadahadli doonaa. Wali ma arag ergo guurti oo iimay imaan, marka ay ii yimadaan baannu wadahadlaynaa.”

 

 

 

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu soo dhaweeyey wadahal xukuumaddu la yeelato Cali Khaliif Galaydh. “Wadahadalku waa wax fiican, qof walba waxa dan u ah in la wadahadlo, Cali waan maqlay inuu yidhi wadahadal baannu Somaliland la furaynaa, waa wixii aan raadinaynay, dadka bina’aadamka ahna waa in ay wada hadlaan, markay wadahadalaan uun bay is afgartaan, marka aad baan u soo dhawaynaynaa hadalkaas uu odayga Cali Khaliif yidhim”

 

Guddoomiye Baashe oo la waydiiyey waxa xilligan ku beegay in Cali Khaliif Galaydh ogolaado inuu wadahadal la yeesho Somaliland waxa uu ku jawaabay; “Kuma odhan karaayo waxaasa keenay, laakiin Cali waa nin oday ah, waqtiga uun baa keenay, Somaliland toban jeer bay ku celc

elisay, in badana waynu ku celcelinaynay in aynu doonayno in aynu wadahadal la furno, marka wadahadalkii aynu doonaynay ayuu ka soo jawaabay, aad baannu u soo dhawaynaybaa, waanannu ka hawlgalayna sidii wadahadalkaas si dhakhso ah loogu bilaabi lahaa.”

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk