MUDANAYAASHA WAKIILADDA OO ANSHAX MARIN LA MAAGAN SHIRGUDOONKII DAGAALAMAY IYO DHAQDHAQAAQA MOOSHIN HOR LEH

0

Hargeysa (AN) Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku hawlan  mooshin anshax marin ah islamarkaana lagu anshax marinayo shirgudoonka golaha wakiiladda ee maalinti sabtidii gacan ka hadalku dhex maray

xildhibaanadda mooshinka wada oo u badan xisbul xaakimka kulmiye ayaa qorshahan ku doonaya inay meesha kaga saaraan khilaafka shirgudoonka ee mudadii u dambaysay ku soo noqnoqonayay golaha, islamarkaana ay ku soo doortaan shir gudoon cusub oo goluhu yeesho

waxaana ilowareedyo baligubadlemedia heshay xaqiijiyeen in mudanayaasha goluhu mooshinkan soo dhigi doonaan golaha waynaha marka uu dhamaado fasaxa gaaban ee golahu galay kaas oo u eeg bacda ciidka carafo

dhanka kale golaha guurtida somaliland ayaa sheegay inay ku hawlanyihiin xalinta khilaafkii gacan ka hadalka keenay ee todobaadkan ka dhacay golaha wakiiladda somaliland

si kastaba ha ahaatee waxaynu ka warsugaynaa halka uu ku dambeeyo mooshinkan ay mudanayaasha golaha wakiiladdu ku doonayaan in lagu anshax mariyo shirgudoonka golaha wakiiladda somaliland

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office