Ciidamo Gadood ka Sameeyey Garoowe Iyo Maamul Goboleedka Putiland Oo Qarka Usaaran In Lagu Kala Dareero.

0

Qaar ka tirsan ciidanka gadoodka sameeyey ayaa warbaahinta u sheegay in aanay mushaaraad helin in ka badan labo sano,

iyadoo rasaas laga maqlay gudaha xerada taasoo ay ciidanku u ridayeen  Korneyl Maxamuud Cali Xirsi Cartan oo sheegtay in uu yahay taliyaha gaarka ah ee ciidanka gadoodka sameeyey ayaa saxaafada u sheegay in ciidanku uusan helin wax mushaar ah 28 billood, isagoo rasaasta ay ciidanku ridayna ku sheegay in ay ahayd mid ay ku muujinayeen cabashadooda ah in mushaarkooda aan la siinin.

Ma ah markii ugu horreysay oo ciidamo Puntland ka tirsan ay gadood sameeyaan, iyadoo dhowr maalmood ka hor ay ahayd markii magaalada Boosaaso ciidan gadood ka sameeyey oo ka cabanayey mushaar la’aan ay xidheen qeybo ka mid ah wadooyinka laga soo galo magaalada Boosaaso