Xubno Ka Socda Dalada Dhalinyarada Sonyo Oo Waji Gabax Kala Kulmay Kulan Ay Is Dheheen Dhalinyarada Gobolka Sanaag Laqaata.

0

Xubno Ka Socday Dalada Dhalinyarada Sonyo OO Watay Waraaq Ay Ku Qornayd Ku Socota Masuuliyiinta Gobolada Ku Socota Wasaaradaha Maaliyadaha Iyo Hadalo Lamida Ayaa Shalay Galaab Soo Gaadhay Magalada Ceerigabo.

Waxayna Ujeedadooda Ku Sheegeen In Ay Hawlo Shaqo u Yimaadeen Hase Yeeshee Markii Ay magaalda Ceerigaabo Soo Gaadheen Habeenkii Xalay Ahaa Ayaa Waxay Isku Dayeen In Ay Kulamo La Yeeshaan Dhalinyarada Gobolka Sanaag Ee Ku Nool Magalada Ceerigaabo Waxay Gebi,ahaanba Ku Guuldaraysteen Xubnahan Ka Socday Sonyo In Ay Isu Keenan Tiro Waafiya Oo Ka Kooban Dhalinyarada Gobolka Taas Oo Ay Doonayeen In Ay Canjelada Ku Buuxsadaan Waxana Arintani Batalaalenews U Xaqiiyiyay Qaar Kamida Dhalinyaradii Ay La Kulmeen Ee Mawqif Ahaan Diiday Dhalinyarada Sonyo Madaama Lagu Riixo In Ay Daladan Sonyo U Janjeedhsatay Dhanka Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Aanay Habayareetee Wax Uqaban Gobalada Bariga Dalka

Si Kastaba Ha Ahaatee Xubnahan Ka Socday Soonyo Oo Watay gaadiid Ahaan Ilaa Sadex Gaadhi Oo Nooca Laanguruusalka ah Ayaa Maanta U Baxay Deegaanada Gobolka Sanaag Iyago Oo Aad Muudid In Ay gabeen Hawshii Loo Igmaday Amase Ay U Yimaadeen Gobolka .

Waxana Dhalinyaro badan Oo Isugu Timaada Goobaha Shaaha Lagu Cabo Saaka La Yaabeen Xubnahan Sheeganaya Magaca Guud Ee Dhalinyarada Misana Tamashlaynta iyo Dalxiiska Ku Jooga Magaalada Ceerigaabo Xili Dhalinyarada Gobolka Sanaag Ay Dilootay Shaqo La,aan Baahsan Oo Aanay Haysan Cid U Qaylisa Isla Markaana Daladii Keliya Ee Magaca Dhalinta Sidatayna Sidan Noqotay .Waxayna Tani Ku Noqotay Dhalinta Gobolka Sanaag Fajac Iyo Amakaag.Ku Abuurtay

http://www.somalilandvision.com/wp-content/uploads/2015/01/

.