Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Oo Kula Kulmay Dhigiisa Federalka Ethiopia Magaalada Addis Ababa iyo Arrimaha La Isla Meel Dhigay.

0

Kulan kan oo loo soo agaasimey si Heersare ah oo ka dhacay xafiiska wasiirka arrimaha Gudaha iyo arrimaha federalka Ee dalka Itobiya,

kulankaas waxay madaxdu kaga wada hadleen sidii police ka Jamhuuriyadda Somaliland tababarkiisa kor loogu sii qaadi lahaa, islamarkaana dawladda Itobiya gacan buuxda uga siin lahayd dawladda Somaliland, sidii police ka Somaliland u heli lahaa qalabka ka hortaga rebshadaha, taas oo runtii ah arin qusaysa arrimaha bini’aadanimada.

Waxa kale oo madaxda labada dal ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga xaga amniga ee labada dal. Iyadoo shir balaadhan lagu qaban doono magaaladda Diri Dhaba ee dalka Itobiya, shirkaas oo ay ka soo qayb geli doonaan madax ka socota goboladda xadka ku yaala ee labada dal wadaagan.

Shirkaasi oo ku dhamaaday guul iyo is afgarad.
Allah mahad leh