Boqorka Sucuudiga Oo La Kulmay Madaxwaynaha Maraykanka

0

Washington(AN)-Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa magaalada Washington kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Yemen, arrinta Hubka Nuclear-ka Iiraan.

Boqor Salmaan ayaa booqashaadani u tahay tii u horeysay ee uu Mareykanka ku tago tan iyo markii xukunka Boqortooyada uu la wareegay bishii koowaad, kadib geeridii Boqor Cabdalla.

Xidhiidhka Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid xumaaday, waxaana Mareykanka dalalka Khaliijka uu lahaa xidhiidh qoto dheer, iyadoo loo arkayay in Sacuudiga ahaa saaxibkiisa koowaad.

Boqor Salmaan ayaa bishii May ee sanadkan ka baaqsaday shir madaxeed uu Madaxweyne Obama ku casuumay Hogaamiyeyaasha Khaliijka.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa u xaqiijiyay Boqor Salmaan in heshiiska Nuclear-ka Iiraan aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin ammaanka Khaliijka iyo in aanay dhiira gelin doonin sameysashada Iiraan ee Hubka wax gumaada.

Wasiirka Arrimaha Dibada Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr ayaa wariyeyaasha u sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen arrimaha taagan sida dagaalka Yemen ee Sacuudiga hogaaminayo ee ka dhanka ah Xuutiyiinta uu Mareykanka taageeri doono.

Arabasiyonews.com