Wasiir Cali Sandule oo Tacsi udiraya shacbiga S/land Geeridii ku timid Marxuum Siciid Cali Giir

0

JAMHUURIYADA SOMALILAND

Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobolada Bariga JSL

TACSI

 

Wasiiru dawlaha  Nabadaynta iyo Horumarinta Gobolada Bariga S/land  Cali Axmed Maxamuud (Cali –Sandule)  waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii Ehelkii, Asxaabii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee  Marxuum Siciid Cali Giir oo ku geeriyooday Laascaanood 31/08/2015.

Wasiir Cali Sandule  waxa uu marxuumka alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo, suaasha qabrigana u fudaydiyo marxuumka una denbi dhaafo Qoyskii, Qaraabadii Ehelkii, Asxaabii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland samir iyo imaan sareecana haka siiyo

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN