Odayaasha iyo Dhallinyarada Bariga Hargeysa oo Si Adag Uga Hadlay Xadhigga Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin

0

Odayaasha iyo dhallinyarada beesha Bariga Hargeysa ayaa si adag uga hadlay xadhig ay xukuumaddu u geysatay Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin, kaddib markii lagu caleema-saaray Dalxiis Hotel ee magaalada Hargeysa, waxaanay luqad adag ku soo jeediyeen in dhakhso xorriyaddooda loogu soo celiyo Suldaanka iyo dadka kale ee xidhan.

Ugu horreyn Boqor Jaamac Xuseen Cigaal oo madasha ka hadlay ayaa yidhi “Darraad ayay ciidanka amnigu qabsadeen Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin kaddib markii la caleema-saaray. Iyada oo aanu halkan ku joogno odayaashii, dhallinyaradii iyo aqoonyahankii uu Suldaanka u ahaa, lama garanayo sabab loo xidhay. Amarka xadhiggana waxa bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay cid kale adeegsanayso. Waxaanu ku baaqaynnaa in si dhakhso ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo”

Oday Beddel Haybe Geelle ayaa isna yidhi “Annaga ayaa suldaanka doorannay wax uu kuwa kale kaga duwan yahayna ma jirto. Madaxweyne Siilaanyo waxaanu leennahay dadkani waa kuwii ku doortaye yaan cid kale kugu guurin, heerka aad marayso looma dul qaadan karo waanakii digtaytarka ee aad ka dagaallantay”

Oday Cabdi Faarax Guuleed oo madasha ka jeediyay hadallo adag ayaa waxa weedhihiisa ka mid ahaa “Si badheedh ah ayay boolisku u qabteen markii xafladdu dhammaatay, waxaana ka dambeeyay Cali Maxamed Warancadde iyo salaaddiin. Xadhiggu wuxuu meel ka dhac ku yahay karaamadiisa iyo sharafta beesha dooratay. Haddii aan dhakhso loo sii deyn wallaahi tallaabada ay reebto waxa ka sheekayn ummadda Somaliland

Cabdiqani Ibraahin Cige oo ka mid ah dhallinyarada Bariga Hargeysa ayaa isna yidhi “ummadda waxa horumariya salaaddiin iyo madaxda dawladda kaga jirta. Ragga bariga Hargeysa ka soo jeedaa waxba kamay qaban waddo, iskuul iyo xarun caafimaad oo loo dhiso degmada Gacan-libaax, Cadaadley iyo Sabawanaag. Waana ta keentay in degaanku ka hadho Gobolka Maroodijeex. Waxay diiddan yihiin in cid kale oo wax qabata beeshu yeelato”.

Si kasta oo ay tahay waxa lala yaabban yahay sababtay ay xukuumaddu xabsiga u dhigtay suldaan ay caleema-saartay bulshadiisu. Illaa haddana Suldaanku wuxuu ku xidhan yahay Saldhigga Koodbuur ee magaalada Hargeysa. Xadhigga Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin waxa si adag u cambaareeyay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir, Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI iyo dad badan oo kale.

saedmgahair@hotmail.com