Arabsiyo(AN) Waxa maanta hadhimo sharafeed loogu sameeyey Degmada Arbasiyo Wafti ka socday dalka Jabuuti waftigaas ayaa waxa hormuud ka ahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta dalka Jabuuti Cali Cabdi Faarax Safiirka uu dhawaan Madaxwayne Geele usoo magacaabay Somaliland ,Ganacsato iyo masuuliyiin kale waxaana munaasibadan qado sharafta ah ka soo qayb galay Wasiirka Warshadaha S/land ,Badhasaabka Gobolka Gabiley Xoghayaha Dawlada hoose ee Gabiley ,Abwaan Cabdi Qays iyo qaybo kamid ah bulshada ku dhaqan Degmada Arabsiyo
Waxaana ugu horayn kahadlay Wasiirka Warshadaha S/land Shucayb Maxamed Muuse waxaanu tilmaamay Wasiirku in Waftigag ka socda Jabuuti ku soo dhaweynayaan dalkoodii labaad gaar ahaan magaalada Arabsiyo waxaanu yidhi
“Anigoo ku hadlaya afka xukuumada aan ka tirsanahay waxaan si kal iyo laab ah idinku soo dhawaynayaa Magaalada Arabsiyo ,runtiina waxa labada dal ee S/land iyo Jabuuti ka dhaxeeya walaaltinimo iyo soohdin wadaag waxa kale ee oo bulshada aan walaaloha nahay ee Jabuuti naga dhaxeya dhankasta wada shaqayn qoto dheer waxaanu diyaar unahay ka xukuumad ahaan in markasta macaamil fiican uu nadhexmaro madaxda dalka Jabuuti ”
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Warfaafinta dalka Jabuuti Cali Cabdi Faarax waxaanu uga mahadnaqay munaasibadan qado sharafta ah ee loo sameeyey Waftiga waxaanu Cali Cabdi Faarax waxa uu kula dardaarmay safiirka jabuuti soo magacawday sidii uu xidhiidhka labada dal u xoojin lahaa bulshada S/land ku dhaqana uu macaamil fiican ula yeelan lahaaa
Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiyi doona Somaliland Cumar Xuseen ayaa dhinaciisa uga mahad celiyay hadhimo sharafeedka loogu sameeyey waxaanu kahadlay xidhiidhka ka dhax qotada dheer ee u dhaxeeya labada dal isagoo intaasi ku daray inuu sii horumarin doono cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga labada dawladood.
Arabsiyonews.com
Arabsiyo Office








