Safarada Itoobiya Ee Dalka Somalililand ayaa Dhibaato Badan Kala Kulmaan Dadweynaha Reer Somaliland Marka ay Fiishaha Itoobiya Goosanayaan
Waxaana Dhacda In Mar Walba Safaaradu Xidhan Tahay Aanay ahayn Mid Sidii Loo Baahnaa Ugu Adeegta Bulshada.
Mudo Badan ayey Ku Qaadataa Inay Safaarada Dadku Ka Helaan Hawlaha Kaga Xidhan Waxaa Jira Inay Dad Xanuusanaya Oo Si Deg Deg Loogu Qaadi Lahaa Dalka Itoobiya Si Xaaladooda Wax Looga Qabto Ay Halkaasi Mudo Ku Xanibnaadaan.
Hadaba Mid Ka Mid ah Shacabka Halkaasi Dhibaatada Kala Kulmay Oo La Soo Xidhiidhay Shabakeda Caalamiga ah Ee ARABSIYONEWS Ayaa Waxa Uu Noo Sheegay Dhibaatada Ka Haysatada Safaarada Itoobiya Waxaana Hadaladiisii Ka Mid ahaa
“”walaal waxaa jirta in qof qoskayga ka midi uu xanuunsaday lana keenay hargaysa ka bacdi mudo uu yaalay dhakhtarka hargaysa ayna noo sheegeen inuu qalin u baahan yahay oo ethiopia la geeyo inta kabacdi waxa la yidhi waa in basabooro la qaato oo visa lagu dhufto basabooradii markii la soo qaatay oo safaradii la yimi week iyo badh ka hor maalin kastaba safaaradu way xidhan tahay dadkiina wayba hor taagan yihiin xataa albaabka malaga furaayo waxaa ku jira afartan qof (40)oo bil ka hor laga qabtay basaaboradii oo qaar aad u xanuunsanayaan ilaa hada waxa la leeyahay visayaashiba go’an waxana la sheegay inaan waxba ka jirin ee anay cidna dan ka lahayn hadaa eegeyn qofka xanuunku hayo iyo kankale, marka dadka xanuunbaa haya dhib baa haysa kharash aanay awoodin baa ku socda oo waxay ka kala yimaadeen gobolada somaaliland,waxaan aad ula yaabay waxay dawladeenu qabato dadkii daryel dhakhtar ma haystan debediina ma tegikarayaan oo dhibta muwaadinka war uma hayaan.Anagu halkan qurbaha dawlada horumarkasta waan is barbaristaagna oo wadooyinka la dhisayo aanu guryaha dadka ku soo garaacna lacagta ka soo gurna iyaguna iyaguunba isku mashquulsan muxaafid iyo mucaarid maatadii hadaan sida ugu dhaqsa badan wax looga qaban dad badan ayaa noloshoodu halis ku jirta oo badbaado u baahan.””
Sidan Waxaa Noo Sheegay Mid Ka Mid ah Shacabka Dhibaatada Weyn Kala Kulmay Safaarada Itoobiya.
Si Kastaba Ha ahaatee Arrintan ayay Walaac Ka Muujiyeen Dadweynaha Reer Somaliland Ee Dhibaatadu Kala Kulmay Safaarada Itoobiya Ee Fadhiidka Noqotay Balse Waxaa Waajib ah In Xukuumada Somaliland Si Dhakhso Leh Arrintan Xal Ugu Raadiso








