Maamulaha Guud Ee Dugsiga Sarre Dayib Guray Oo U Mahad-celiyey Hablaha Marwo Raxma Xuseen Cabdalla iyo Marwo Farxaan Sulub Cabdi Raan

0

Hargaysa(AN):-Maamulaha guud ee Dugsiga sarre ee Dayib Guray Guuleed Yuusuf Iidaan (Guuleed Goohe), waxa uu mahad-celinayaa guud ahaan Xubnaha ku jira ururka tawfiiq u tag, kuwaasoo uu sheegay inay lacag deeq ah ku garab is taageen dugsiga sarre ee mujaahid Dayib guray ee Caasimadda Hargaysa.
Waxa kale, oo uu Maamuluhu si gaar ah ugu mahad-celinayaa Marwo Raxma Xuseen Cabdalla oo lacag $400 oo dollar (Afar boqol oo Dollar), ka soo dirtay dalka isku taga Imaaraadka carabka, taasoo ay ugu talo-gashay in dugsiga Albaabadiisa wax lagaga badalo. Maamule Guuleed Goohe waxa uu sheegay inay lacagtaas soo gaadh-siiyeen Khadar Cawil oo lagu soo hagaajiyey.

maamule

Maamulaha guud ee dugsiga sarre ee Dayib Guray Guuleed Goohe waxa uu sidoo kale u mahad-celinayaa Marwo Farxaan Sulub Cabdi Raan oo ka faalo qaadatay qaybta kale ee albaabadda ka dhiman, waxaannu inta kalenna ku booriyey inay ka qayb-qaataan dib u habaynta iyo casriyeynta lagu samaynayo dugsiga sarre ee Dayib Guray ee magaalada Hargaysa. –
Arabsiyonews.com  Office Gabiley