Warqada Iscasilaadiisa oo uu Maxamed Ibraahim ku baahiyey shabakadda bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, ayuu ku sababeeyay Iscasilaadiisa arimo uu ku sheegay inuu u madax banaanaado hawlihiisa khaaska ah.
Qayb ka mid ah Qoraalka uu iscasilaada ku dalbaday Xeer Ilaaliye Maxamed Ibraahim Cali ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilkii aan Qaranka JSL u hayay ee ahaa Ku/Xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee JSL. (Deputy Attorney General). Iscasilaadaydiina u gudbiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Somaliland iyo Gudida Cadaalada Jamhuriyada Somaliland. Waxaan u mahad naqayaa xeer ilaaliyaha guud ee JSL iyo Guddida Cadaaladda ee JSL oo xilkaa ii magacaabay si aan Qaranka ugu shaqeeyo. Waxaan sidoo kale u mahad naqayaa dhammaan Xeer ilaaliyaasha iyo Garsoorayaasha aan la soo shaqeeyay mudadii aan ka tirsanaa Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa kale oo aan mahad taas la mid ah u dirayaa qof kasta oo igu taageeray intii aan xilka Qaranka u hayay. Waxaan isku casilay uun inaan u madax banaanaado hawlo ii gaar ah…..ALLAH MAHAD Leh….” Warqadda iscasilaadda ee xeer ilaaliye ku xigeenku u gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa ku taariikheysan 21-ka bishan.








