Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Jiif Caaqilka Guud Ee Beelaha Sacad Yoonis Habar Yoonis Iyo Sababaha Ka Dambeeya Xadhigiisa

0

ciidamada Booliska ee degmada Ceel Afweyn ee gobalka Saraar ayaa goor dhaweyd xabsiga u taxaabay jiif caaqilka guud ee beelaha Sacad Yoonis/Habar Yoonis Jiif Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed.

Ilaa hada wax war ah oo ku saabsan xadhiga caaqilkan kama uu soo bixin dhanka xukuumadda iyo hoggaanka ciidamada booliska balse sida ay ila wareedyo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen ayaa tilmaamaya in saaka aroornimaddii hore jiif caaqilka laga soo xidhay deegaan u dhow degmada Ceel Afweyn, waxaana ay wararku sheegayaan in jiif caaqilku uu diiday in uu saxeexo dhul ku yaala deegaankaas oo xukuumaddu ku wareejinayso dad ay isku hayb yihiin qoyska Madaxtooyada iyada oo la sheegay in jiif caaqilku uu ku dooday in dhulkaas ay iska leeyihiin beesha uu ka soo jeedo isla mar ahaantaana aan cid kale lagu wareejin karin mulkiyaddiisa.

Wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in xubno ka tirsan golaha wasiiraddu ay ka dambeeyeen xadhiga caaqilkan kadib markii uu ku gacan saydhay in uu ka aqbalo wareejinta dhul ku yaala deegaankaas oo mulkiyaddiisa lagu siinaayo xubno ganacsato ah oo ay isku hayb iyo deegaanba yihiin qoyska Madaxtooyada.

Arrintan ayaa ah mid muujinaysa sida muddooyinkii danbe ay xukuumaddu caado uga dhigatay la wareegidda dhulalka danta guud, waxaana ay tallaabadani noqon karta mid iska hor keeni karta bulshooyinka walaalaha ah ee ku dhaqan deegaankaasi.