Xildhibaan C/kariin Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco Ayaa Beeniyey Warar Kasoo Baxay Warbaahinta Qaar kamidaa Kaasi Oo Sheegaya In Dawlada Hoose Ku Kacday Falal Musuq Maasuq,
Xildhibaanka Ayaa Waxa Uu Sheegay In Cida Warkan Ka Qortay Aanu Ka Warhaynin Isla Markaana Magaciisa La Isticmaalay isagoona intaasi inay Jiran Marar Hore Oo Uu Dhaliilay Dawlada Hoose Balse Aanay Hada Taagnayn Waxa Laga Baahiyey Ee Ah Inuu Fashiliyey Musuq Maasuq Uu Ku Kacay Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisu
Xildhibaan C/kariin Ayaa Sidoo Kale waxa Uu Sheegay Inay Khalad Tahay In Xildhibaan Umad Dhani Soo Dooratay Laga Baahiyo Warar Been Abuur Ah “Anigu Isma Naqaan Cida Warka Iga Qortay Ee Magacayga Isticmaashay Waana Khalad Inay Magacayga La Adeegsato Anigoon Ka War Haynin”Xildhibaanka Ayaa SIdaasi Yidhi
Xildhibaan C/kariin Ayaa Intaasi Ku Daray In Hadalada Meesha Ku Qornaa Ay Ahaayeen Kuwo Hore Isla Markaana Aan Wakhtigan Joogin Kuwaasi Oo Dib Loosoo Cusboonaysiiyey Waxaana Uu Sheegay In Cid Kastaa DHaliilo Leedahay Balse Aanu Dawlada Hoose Usoo Raacayn Suxufi Doonaya Meel Uu Ka Galo Ama Ka Dhaliilo Dawlada Hoose.
Xildhibaanka Ayaa Hadalkiisa Kusoo Gababeeyey In Ay Jireen Marar Hore Oo Uu Dhaliilo Usoo Jeediyey Dawlada Hoose Balse Hada Arinkaasi lasoo Dhaafay Oo La Saxay








