Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Galabta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ayaa Ka Warbixiyey Safar Shaqo Oo U Ugu Maqnaa Wadanka Ethopia Iyo Shirar Ay La Yeesheen Masuuliyiinta Wadankaasi

0

 Hargaysa(AN)Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Galabta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ayaa Ka Warbixiyey  Safar Shaqo Oo U Ugu Maqnaa Wadanka Ethopia Iyo Shirar Ay La Yeesheen Masuuliyiinta Wadankaasi

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta kula hadlay  qolka nasashada ee loo yaqaan VIP  ayaa ka warbixiyey safarkii  ugu maqnaaa wadanka Ethopia  iyo shirarkii ay la sheeyeen Dawlada Dalkaasi, waxaana uu xusay inay is arkeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Ethopia islamarkaana ay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa  Dhismaha Wadada isku Xidhi doonta Berbera iyo Addis Ababa (Berbera Corridor), Waxaana Wasiirka Kulankaasi ku wehelinaayey  Wasiirka Arimaha Dibada Md:  Maxamed Biixi Yoonis  iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethopia Md: Maxamuud Aadan Jaamac,   Wasiir xirsi ayaa xusay inay muhiimad weyn wadadaasi u leedahay  xidhiidhka  ganacsiga iyo isu socodka labada wadan ee Somaliland iyo Ethopia, waxaana uu  hoosta ka xariiqay in wadadaasi  dhawaan la bilaabi doono sidaasna ay isku soo afgarteen masuuliyiintii ay shirarka la yeesheen.

Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland  ayaa ka jawaabay su’aalo ay  saxaafadu waydiisay kuwaasoo la xidhiidhaayey  eedo ay qaar  kamida xildhibaanada baarlamaanku usoo jeediyeen xukuumada kuna dhaliileen  inay dhaxal  wareejinayso Dekada sidoo kalena ku mashquushay Dayactirka  Wadooyinka, Wasiir Xirsi  ayaa dhaliilahaasi  ganafka ku dhuftay  wuxuuna xusay inay xukuumada Madaxweyne siilaanyo aanay ku koobnayn Dayactirka  wadooyinka balse  ay tahay Xukuumadii ugu horaysay  yagleesha wadooyin cusub oo tiro badan sidoo kale wuxuu xusay in Dekada Berbera wakhtigii hore lacagta lagaga  soo qaadi jiray shandad lana keeni jiray Madaxtooyada balse haatan ay  ku dhacdo khasnada dawlada ee Wasaarada Maaliyada, isla markaana aanu jirin wax musuq maasuqi.

Si kastaba ha ahaatee Wadada (Berbera Corridor) ayaa sare u qaadi doonta xidhiidhka ganacsiga iyo iskaashiga labada wada ee Somaliland Iyo Ethopia, iyadoo labada wadan ay yihiin saaxiibo  islamarkaana uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheeri oo walaaltinimo iyo deris wanaag kuwada nool, Berbera Corridor waxay noqon doontaa marinka istiraajiayda ganacsiga  iyo horumarka Somaliland iyo Ethopia.

 Arabsiyonews.com

Hargaysa Office