Safiirka dalka ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaalida ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi Ambassador Angus Steward Ms Harriet Mathews ayaa sheegtay inay dawladda ingiriisku sii wadi doonto inay Somaliland ka taageerto dhinaca doorashooyinka, ammaanka iyo horumarka.
Iyadoo hadalka sii wada kana jawaabaysa go’aanka maxkamadda waxay tidhi “kama jawaabi karo go’aanka maxkamadda oo ah mid Somaliland u yaalla, balse waxaan keliya ka dareen celinaya mida u fiican Somaliland shacabkeeda horumarkeeda iyo inay Somaliland bulshada caalamku usoo istaagto oo ah inay Somaliland horumar ka gaadho dedaalkii ay kaga duwanayd Soomaalida inteeda kale ee ahaa doorashooyin, dimuqraadiyad, horumar, iyo nabadgelyo, taasina hadda waxay u muuqata inuu dibu dhac ku yimid, waana mid niyad jab u keenaya cid kasta oo jecel horumarka Somaliland” ayey tidhi Ambassador Mathews
Mar la weydiiyey waxay yeelayaan deeq bixiyayaal ahaan ka dib go’aankani waxay ku jawaabtay “arrintani maaha mid deeq bixiyayaasha u taalla, waa mid u taalla dhinacyada siyaasadda Somaliland, axsaabta iyo xukuumadda” ayey ku jawaabtay Ambassador Mathews
Safiirka oo aanu weydiinay sida go’aankani u niyad jabiyay bulshada caalamka waxay ku jawaabtay “wax kasta oo dibu dhac ku ah Somaliland waxay niyad jab ku tahay Somaliland, waxay niyad u keenaysa cid kasta oo jecel Somaliland horumarkeeda, doorashaduna waa qodob asaasi ah oo bulsho kasta u keena horumar, intaan akhriyay u malayn maayo in cid uga khibrad badan shacabka Somaliland ay jirto xanuunka kelistalsnimada iyo in cid gaar ahi xukunka jan jeedhsato, hogaamiye kasta waa inuu doonista shacabkiisa ku fadhiya” ayey tidhi Ambassador Mathews








