dadkan ayay doontii ay saarnaayeen kula guddoontey badda Meditarraniyanka dhexdeeda,iyada oo ilaa iyo hadda la la’yahay konton qof oo kale.
doonyaha iyo maraakiibta badbaadada aybaadiyey dadkaasi doonta Saarnaa oo sheegay inay gaadhayeen ilaa ilaa boqol iyo laba qof ,waxaana sidoo kale gaar loo soo bad baadiyey laba qof oo kale,waxaana dadka la badbaadiyey noqonayaan kala badh dadkii doonta saarnaa.
dhinaca kale, Tahriibayaal badan oo ka haajiraya waddamada Qaaradda Afrika iyo dalalka Carabta qaarkood, gaar ahaan Suuriya iyo Masar, ayaa si is-daba-joog ah u gaadhaya Jasiiradda Gariigga ee Kos. Salaasadii toddobaadkan rabshado ayaa dhacay, ka dib markii ay Booliisku xoog u isticmaalay si uu u dejiyo dad Tahriibayaal ah oo cadhaysan oo lagala daahay in laga diiwaangeliyo Jasiiradda Kos si ay uga sii gudbaan. Jasiiradda oo caan ku ah Dalxiisayaasha, waxay qaadi la’dahay 7000 oo qof oo yimid Bishii July, waxaanay seexanayeen Jidadka iyo Xeebaha agtooda xaalad aad u xun.
Duqa magaalada Kos Giorgos Kiritsis, ayaa ka digay inay xaaladdu faraha ka baxdo, “Haaladda ay faraha ka baxday. Waxay qatar ugu jirtaa in uu dhiig daato.” Hay’adda Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ugu yaraan 124,000 Tahriibayaal iyo Qaxoonti ay soo gaadheen Gariiga sannadkan.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga, ayaa ku qiyaasaysa in ka badan 100, 000 oo Tahriibayaal iyo Qaxoonti inay isku dayeen inay yimaaddaan Talyaaniga sannadkan. Ciidammada Badda ee Talyaaniga ayaa xidhiidhay hawl lagu badbaadinayey 1,700 oo qof oo saarnaa toddobo Doonyood oo Salaasadii toddobaadkan gaadhay Jasiiraddaas








