Wasiirka Ganacsiga S/land oo sheegay in ay dhamaatay mudadii lagu joojinayey ka ganacsiga Bacaha iyo digiin udiray

0

Hargaysa(AN)-Wasiirka ganacsiga Muuse Qaasim Cumar ayaa kudhawaaqay in laba maalmood uun uu ka dhiman yahay wakhtigii 120 maalmood ahaa ee loo qabtay in bacaha dalka lagaga joojiyo.

waxa u wasiirku ku dhawaaqay in waxii ka dambeeya afar iyo tobanka bishan ruuxii ka ganacsada bacaha ee la arko sharciga lala tiigsan doono, waxaanu shacabiga Somaliland u soo eediyay in laga hawlgalo sidii loo joojin lahaa bacda oo uu ku tilmaamay mid bilida,xoolaha iyo deegaanka Somalilandba dhib ku haysa.

waxa uu sidan Wasiir Muuse Qaasim ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay waxaana hadalkiisa ku bilaabay sidan “Bacaha waatii la manuucay, waxaana maalintaas sida digreetada ku qornayd loo qabtay 120 maalmood oo noqonaaya afarbilood, waxay ahayd bishii afaraad ee sanadkan, hadaba bishan aynu ku jirno afar iyo tobankeeda ayuu wakhtiga bacdu ku eekaa, waa xaaraan maalintaas waxii ka danbeeya ka ganasigeeda,wax ku ridashadeeda iyo isticmaalkeeda oo dhan.”

wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“sidaas daraadeed waxaanu ganacsatada,shacbiga iyo gobalada Somalilandba u sheegayaa in mudadii 120-ka casho ahayd ay dhamaatay,ka ganacsigeeda iyo wax ku qaadashadeeduba way xaaraantinimoobeen. hore ayaynu u soo sheegnay dhibaatooyinkeena oo bilicda ayay qaribaysaa,xoolaha ayaa cunaaya oo ku dhinta, waa wax sun ah kun sanadoodna waa ay sii noolaanaysaa oo ma dhimanayso, waana qashinkaas caafimaadka u daran,markii dhan waba laga eegayna waxa laysla gartay in bacdaas sidooda lagu joojiyo.”

ugu danbayntii waxa uu wasiirku hadlakiisa ku soo gunaaday“waxaanu ganacsatada iyo shacabkaba ka codsanay inay waxii lagu badali lahaa ay keenaan, shaqo ayaana uga furmaysa dumarkeenii yaqaanay farsamada ee samayn jiray saladaha, kuwii kiishashka samayn jiray,horuba umaynu isticmaali jirin oo waxyanu adeegsan jirnay wax aynu inagu samaysan jirnay. dawladaha hoose iyo ciidanka booliska ayaana u xilsaaran fulinta amarkaas, wasiirka arimaha gudahuna wareegtooyin ayuu u kala dirayaa. qofkii iibinaaya ee lagu qabto iyo cidii meel ku qarsatayba sharciga ayaa la horgaynayaa dekedaha dalkana iyaga waa laga joojiyay oo kama soo dagto.”

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk