Hargeysa (AN):- Hoggaanka xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMYE, ayaa kulan la xidhiidha is-xogwaraysi iyo dardargelinta xisbiga iyo taageerayaashiisa la yeeshay madaxda qaar ka mid ah laamaha qurbaha ee xisbiga.
Hargeysa (AN):- Hoggaanka xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMYE, ayaa kulan la xidhiidha is-xogwaraysi iyo dardargelinta xisbiga iyo taageerayaashiisa la yeeshay madaxda qaar ka mid ah laamaha qurbaha ee xisbiga.
Kulan xisbiga KULMIYE ku qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi, Guddoomiye-ku-xigeennada kowaad iyo labaad – Maxamed Kaahin Axmed iyo Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, xildhibaanno, hoggaanka garabka haweenka iyo xubno kale, kaas oo ay ku qaabileen masuuliyiin iyo wakiillo ka kala socday laamaha xisbigu ku leeyahay dalal badan oo ka mid ah qaaradda Yurub, waxaannay halkaasi isku waydaarsadeen warbixinno, talooyin iyo dardaaranno la xidhiidha dardargelinta taageerayaasha iyo shaqooyinka kale ee xisbinimo, kuwaas oo dhawr saacadood kadib gebogabadiisa warbaahinta uga warramay
Guddoomiyaha Laanta Sweden ee xisbiga KULMIYE Mr. Fu’aad Kaamil Ciise, ayaa sheegay in si buuxda la isugu afgartay qodobadii shirka lagaga wadahadlay oo ay ugu muhiimsanaayeen dardargelinta laamaha xisbiga ee qurbaha iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya xisbiga ee gudaha dalka.
“Guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeennadu waxay ballanqaadeen inay suurtogelinayaan wixii aannu ula nimi oo ahayd uun sidii xisbiga kor loogu qaadi lahaa, xidhiidhkiisuna u sii kordhi lahaa. Annaga waxa farxad wayn noo ah marka xisbigaagu la yimaado horumar cad oo la taaban karo, waana waxyaabaha adigana ku sii dhiirigeliyana, waayo KULMIYE xukuumaddiisu wixii ay ballanqaadeen ee ummadduna ku dooratay hirgelintooda indhaheenna ayeynu ku arkaynaa,” ayuu yidhi Mr. Fu’aad Kaamil.
Guddoomiyaha laanta xisbiga KULMIYE ee dalka Ingiriiska Mr. Xariir Xirsi Adar, ayaa isna ku tilmaamay kulankaasi inuu ahaa fursad qiimo badan oo wax badan lagu kala bartay, waxaannu yidhi, “Runtii waxaannu isla wada fahannay meelaha ay tahay in aynu wax ka qabanno, iskula qaadanay in ololeyaal nagu soo socdaan, isla markaana la isla wada jaanqaado ha noqoto ka qaybqaadashada dhaqaalaha xisbiga ama dardargelinta wada-xidhiidhkiisa iyo weliba wadashaqaynta guud ee gudo iyo dibadba, iyadoo hoggaankuna ballanqaad wanaagsan na siiyeen. Waxaanna jeclahay in aan gaadhsiiyo dhammaan laamaha xisbiga ee dibadda in waxyaabihii ay na soo fareen ay meel wanaagsan ku soo dhammaadeen oo hawlgalkoodu degdeg u wada bilaabmayo.”
“Xisbiga KULMIYE loo baqi maayo doorashada soo socota iyo ka dambaysaba wuxuu ku helayaa sidii hore si ka wayn, waayo waxqabadkiisa, yaa ku dhiirran lahaa waddada Ceerigaabo oo aan ahayn KULMIYE iyo madaxweynihiisa Axmed Siilaanyo ahayn. Markaa waxaannu leenahay inta yare e dadka weli indho-indhaynaya xisbiyada u soo noqda KULMIYE aragti buu leeyahay oo dariiq horumar buu hayaa,” ayuu yidhi Xariir.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Laanta West London ee xisbiga KULMIYE, Marwo Naciima Cumar Ismaaciil oo ka socotay laanta KULMIYE ku leeyahay dalka Finland iyo Afhayeenka laanta xisbigu ku leeyahay magaalada Sheffiel Mr. Maxamuud Maxamed, kuwaas oo dhammaantood tibaaxay inay hoggaanka xisbiga isla garteen bilowga dardargelinta laamahooda iyo u diyaargarowga hawlaha doorashooyinka ee soo socda, iyagoo isku raacay KULMIYE iyo xukuumaddiisu ka sameeyeen dalka waxqabad ballaadhan oo shacabku ku qiimaynayaan.
Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyey qurba-joogga taageerada ay siiyaan xisbi ahaan iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka waddanka, gaar ahaana madaxda laamaha xisbigu ku leeyahay dibadda oo uu ku tilmaamay inay hayaan shaqo naf-hurid ah oo aan cidi ka taageerin, isla markaana hoggaan ahaan aanay si buuxda gacan uga siin shaqada ay hayaan oo uu qaatay masuuliyadda eedeeda, isagoo ku booriyey inay sii xoojiyaan hawsha ay hayaan, isla markaana waxa uu hoggaan ahaan ballanqaaday inay dabooli doonaan cabashooyin qurba-joogga kaga soo noqday.
“Xisbi baynu nahay, xisbiguna waxa weeye dad muwaadiniin gudo iyo dibadba jooga oo fikradoodu ku midowday sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen, reer KULMIYE barmaamijkaasi dalka wax lalaga qabanayo ayey ku midoobeen, waxaan is leeyahay intii badnayd waad ka qabateen shantii sannadood, waatii la innagu aaminay ee dadkuna codka innagu siiyeen, maantana waxaynu wadnaa waayo-aragnimo barmaamijkii hore maxaa innaga khaldamay ee aynu saxnay? Maxaynu ku liibaanay?,” ayuu yidhi Muuse Biixi. –
Arabsiyonews.com Office Gabiley



















