ee daymaha ay soo jeedinayaan mucaaridkuna maaha kuwo shrciga ku salaysan, waakuwo baal marsan sharciyada iyo nidaamka
Hargaysa(AN) Gudida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland iyo madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta shir ay saxaafada madaxa banaani dibad joog ka ahayd ku yeeshan Hargaysa. Shirkan oo markii uu dhamaaday war baahinta dawladu wax ka waydiisay waxa uu ku saabsanaa Gudoomiye Ku-xigeenka Golaha Guurtida Somaliland ahna kusimaha gudoomiyaha guuritada Siciid Jaamac Cali ayaa sheegay in shirkan uu ugu yeedhay madaxwayne Siilaanyo isla markaana lagaga hadlayay go’aankii mudo kordhinta ahaa ee ay golaha guuritudu ku kordhiyeen mudada doorashada, waxaanu yidhi gudoomiye ku xigeenku “Golaha guurtidu go’aan buu gaadhay , go’aanka uu ka gaadhay muddo kordhintuna waad la socotaan mudada uu labada qolaba ukordhiyay , go’aankuna muu ahayn mid iska yimid ee wuxuu ahaa mid sharciyad ku salaysan ,qodobo distoora iyo
waajibaad uu gaar usiiyay golaha Guurtida , sidoo kalana may ahay mid ay naga codsadeen madaxwayne iyo madaxwayne ku-xigeen kordhintu e waxay ahayd mid distoorku uu toos noofarayo anaga , markaa waajibaadkaa waxaanu uqaadanay sidii uu distoorku noo farayay , markaa go’aankii aan ka soo saarnay mudo kordhinta wax iska badalay majiraan waa sidiisii , goluhuna go’aankiisii uunbuu ku taaganyahay , kulanka aanu madaxwaynaha la yeelanay nuxurkiisu intaasi ayuu ahaa “.
Sidoo kale mar uu gudoomiye ku xigeenku uu kahadlayay dhaliilaha ay mucaaridku usoo jeediyaan go’aanka ay guurtidu ka gaadhay doorashada ayaa waxa uu yidhi “ee daymaha ay soo jeedinayaan mucaaridkuna maaha kuwo shrciga ku salaysan, waakuwo baal marsan sharciyada iyo nidaamka uu dalku ku shaqeeyo “ ayuu yidhi.
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland








