Mahadhooyinka mucaaridka ee Shantii sano ee la soo dhaafey, waxay ku
soo ururtay meerisyaddan soo socda bal u fiirso intaas oo odhaahoodba
waxa lagu hayaa maqal iyo muuqaal dhamaytiran, wayna danbarsan doonaan
mustaqbalka oo waxa layidhi “ninna afkiisa lagama xaal siiyo”
Dhugasho wanaagsan
1.” Guuritiddu waa Xaaraan”
2. “Ma’aqoonsanin maxaxweynaha Dawladdina majirto”
3. “Cashuur yaan labixinin”
4. “Kursiga Madaxweynaha lama kala xigo”.
5. “Ciidanka qaranku amardiido ha samaayeen”
6. “Beesha caalamku hana soo gaadho oo deeqaha somaliland ha ka jaraan”
7. “Ciidamadda RRU halaga joojiyo gunadda iyo tayaynta caalamku siinayo”
8. “Dacwad baanu ka gudbinay qoyska maxweynaha, xidiidkiisa iyo
xigaalkiisaba ”
9. “Horumarinta Dekadda Berbera yeelimayno ”
10. “Ciidamadda
ilaaladda betroolka iyo shirkadda macdan qodustu waa
Reer kaliyee hala joojiyo”
11. “Qaadhaan ururinta wadooyinka yaan la bixin qoysbaa guranayee”
12. “Madaxeynuhu waa fulay, Car banaanka ha noogu soo baxo”
13. “Qaaxa markaanu joognay gurigayga ayaan uga baxay oo aan
martigaliyey maxweynaha iyo merwadiisa”.
14 .” Casaabad Culimo iyo Haween u badan baa dalka xukunta ”
15.” Maamuladda Somaliyaa naga meeqaam sareeya”
16. “Maamulka Khaatumo ayaa inaga meeqaan sareeya”.
17. “Xamar Baa La’inoo Wadaa”.
18. “Madaxweynuhu Dalka Kama Taliyo, Dad Kale Ayaa Uu Xilkiisii U
Igmadey, Hanoo Sheego, Hadii Uu Xilkii Wareejiyey”.
19. “Dimuqraadiyadi Majirto, Doorasho In Laqabto Lama Rabo, Shir
Beeleed Ha La’isugu Yimaado Degdeg”. “Boorame & Burco Ayaan Dib Uugu
Noqoney”.
20. “Somaliland God Bay Ku Dhacdey, Shir Qaran Baan Iclaaminaynaa”.
21. “Dawlad Ku Meel Gaadha Ayaan Ku Dhawaaqeynaa, Waayo Dalka Laguma
Aamini Karo Xukuumada Hada Jirta”.
Weedhahaas iyo kuwo kale oo badan oo aanan halkan ku soo gudbin karin
oo u baddan aflagaadadda masuuliyiinta qaranka Somaliland, ayaa
mucaaridku maalin kasta ku hadlaan. Waxa xusid mudan hadal uu hore ugu
yidhi Mucaaridka Xaaji CabdiKariim (Cabdi Waraabe), wakhtigii uu xilka
hayey Mudane Madaxweyne Riyaale, markii uu ka yaqyaqsooday luqadaha
mucaaridku meelkasta kaga dhawaaqayeen, wuxuu si Odeytinimo leh ugu
yidhi nimankii mucaaridka ahaa “Afka Kursiga Aad Dooneysaan Ku Hadla”.
Waxaan u malaynayaa kuwan hada jooga ayaa u baahan in uu Xaajigu
Talooyinkii looga bartey,xiligan oo kale inuu xigmadiisii Illaahay ku
galadeystay, mucaaridka uugu iftiimiyo in kursiga ay doonayaa
mansabkiisa Ixtiraamaan, oo mudnaanta uu leeyahay siiyaan, luqada nin
Madaxweyne noqon rabana, inay ku hadlaan inuu u sheego.
Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan gaaban; waxa is weydiin leh
hogaamiye yaasha mucaaridku ma is dhaqaystaan mase qortaan waxan ay
daldalayaan ee ay shaaricyadda la taagan yihin, mise waa wadda gole
kafuul siyaasadeed iyo i arkaay i maqalay uun arinkoodu?
Allaa Mahadle
Ibrahim m abdi
dsamatare@gmail.com








